Wednesday, April 23, 2025

Somaliland oo kor u qaadeysa qiimaha shilinkeeda

Hargeysa, Somalia – Bankiga Dhexe ee Somaliland ayaa ku dhawaaqay in uu si rasmi ah u bilaabay gelinta lacag caddaan ah suuqa sarrifka Somaliland, si loo xasiliyo qiimaha Shilinka Somaliland, loogana hortago sicir-bararka sii kordhaya. Tallaabadan ayaa la bilaabay 6-da Abriil 2025, sida lagu sheegay war-saxaafadeed rasmi ah oo uu Bankigu soo saaray 22-ka Abriil.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in hawlgalkan uu qeyb ka yahay istaraatijiyad ballaaran oo lagu xoojinayo kalsoonida dadweynaha ee lacagta gudaha, isla markaana la doonayo in lagu taageero xasilloonida dhaqaalaha Somaliland. “Hawlgalkan waxa uu qeyb ka yahay qorshe ballaaran oo kor loogu soo qaadayo kalsoonida lacagta Shilling-ka Somaliland,” ayuu Bankigu ku yiri war-saxaafadeedka.

Bankiga Dhexe wuxuu caddeeyay in uu suuqa ku shubay lacag dhan $4.6 milyan oo doolar, taasoo suurtagelisay in laga soo xareeyo lacag Shilinka Somaliland ah oo gaaraysa SLSH 49.4 bilyan. Tallaabadan ayaa horseedday koror 1.7% ah oo ku yimid qiimaha Shilinka Somaliland. Sarrifka dollarka Mareykanka ayaa hoos u dhacay, isagoo ka yimid 10,870 SLSH/USD gaarayna 10,690 SLSH/USD.

Bankiga ayaa tilmaamay in tallaabadan ay lagama maarmaan u tahay xasillinta suuqa sarrifka iyo horumarinta jawiga ganacsi iyo maalgashi ee gobolka. Waxaa sidoo kale lagu xusay in habkan uu gacan ka geysan doono hirgelinta qorsheyaasha horumarineed ee Somaliland.

Bankiga Dhexe ayaa ugu dambeyn ugu baaqay muwaadiniinta iyo ganacsatada Somalialnd inay taageeraan dadaallada Somaliland ee lagu xasilinayo lacagta gudaha si kor loogu qaado koboca dhaqaale ee Somaliland.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here