Moqokori, Hiiraan – 10 Luulyo 2025: Warbixin ay soo saartay Hay’adda Qaramada Midoobay ee Isku-duwidda Arrimaha Bani’aadamnimada (OCHA) ayaa lagu sheegay in dagaalladii ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan ay sababeen barakaca kumannaan qof, kuwaas oo u qaxay deegaanno ku yaalla degmooyinka Buuloburte, Jalalaqsi iyo Maxaas.
Warbixintan oo laga diyaariyay iskaashi dhexmara hay’adaha gargaarka ee Soomaaliya ka howlgala iyo maamulka gobolka Hiiraan ayaa lagu sheegay in dagaalladu ay sababeen in lix xarumood oo caafimaad oo ku yaalla aagga ay colaadu ka jirto ay gebi ahaanba xirmaan. Tani waxay go’doomisay kumannaan qof oo u baahnaa adeegyo caafimaad oo degdeg ah, gaar ahaan daryeelka hooyada iyo carruurta.
Tan iyo bilowgii Janaayo 2025, in ka badan 58,260 qof (9,710 qoys) ayaa ka barakacay dagaalladii ka dhacay gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, sida lagu sheegay warbixinta OCHA.
Sida ay sheegtay OCHA, dagaallada xoogan ee ka socda degmada Moqokori ayaa sababay barakaca ugu yaraan 1,130 qoys, oo u dhiganta 6,780 qof. Deegaannadan ayaa durba la ildaran xasillooni darro iyo adeegyo bani’aadamnimo oo aad u kooban.
Moqokori oo horey u ahayd meel ay ku barakaceen dad ay saameeyeen abaaraha iyo cunto yaraan, ayaa hadda wajahaysa dhibaato kale oo ka dhalatay dagaallo u dhexeeya ciidamada dowladda, kuwa deegaanka ee is garabsanaya, iyo kooxda Al-Shabaab. Dagaalladaasi waxay sidoo kale saameeyeen ilaha biyaha iyo marinada sahayda, taasoo sare u qaaday khatarta nafaqo-darro iyo cudurrada faafa.
OCHA warbixinteeda waxa ay kusoo gabagabeysay in ay jirto baahi degdeg ah oo loo qabo gargaar bani’aadamnimo oo la kordhiyo, iyo in la xoojiyo amniga si loo badbaadiyo shacabka ku sugan meelaha ay dhibaatadu ka jirto.