Tuesday, September 16, 2025

Jabuuti oo Daahfurtay Barnaamijka Hal-abuurka 2025

Jabuuti (Dawan) – Wasaaradda Dhaqaalaha Dijitaalka ah iyo Hal-abuurnimada ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa Isniintii si rasmi ah u daahfurtay Barnaamijka Hal-abuurka Jabuuti 2025.

Munaasabadda daahfurka oo ay goob joog ka ahaayeen mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Jabuuti iyo wakiillo ka socday dalalka saaxiibada ah, ayaa lagu soo bandhigay qorshaha qaran ee lagu taageerayo dhalinyarada iyo kor u qaadista ganacsiga dalka.

Sida ay sheegtay Wasaaradda, barnaamijku wuxuu diiradda saaraya xoojinta hal-abuurka iyo ganacsiga dhijitaalka ah ee dhalinyarada Jabuuti. Waxaa lagu hirgelinayaa iskaashi ay wada leeyihiin Wasaaradda Dhaqaalaha Dijitaalka ah iyo Hal-abuurnimada, Xarunta Hogaaminta iyo Ganacsiga (CLE), iyo hay’ado caalami ah oo uu kamid yahay Bangiga Adduunka.

Barnaamijkan ayaa dhalinyarada siinaya fursad ay fikradahooda ganacsi ugu rogaan mashaariic la taaban karo, taas oo ka qayb qaadan doonta kobcinta dhaqaalaha dhijitaalka ah ee gobolka.

Wakiilka Bangiga Adduunka ee Jabuuti, Fatou Fall, ayaa mar ay hadal ka jeedisay munaasabadda ku adkaysay in Bangiga Adduunka uu garab taagan yahay dhalinyarada dalka.

“Bangiga Adduunka waxa uu ka go’an yahay in uu taageero dadaallada dowladda Jabuuti ee ku aaddan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo dhiirrigelinta hal-abuurka dhalinyarada,” ayay tiri Fatou Fall.

Ujeeddada ugu weyn ee barnaamijku waa in dhalinyarada lagu dhiirrigeliyo hal-abuur iyo ganacsi, si ay u abuuraan mashaariic cusub oo door muuqda ka qaata kobcinta dhaqaalaha, gaar ahaan dhinacyada tiknoolajiyadda, hal-abuurka iyo shaqo-abuurka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here