Wasiirka Beeraha Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa si adag uga hadlay arrinta la xiriirta qudaarta si sharci-darro ah dalka kusoo gasha.
Maareeye iyo Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya oo garoonka Aadan Cadde u tagay indha-indheyn ayaa sheegay in halkaas ay kusoo arkeen badeecooyin sharci-darro ah, oo dalka loosoo dhoofiyo.
Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in dalka loosoo dhoofiyo qudaar nooceedu dalka laga helo, taas oo weliba dalka ay soo geliyaan diyaarado loogu talagalay keliya iney rakaabka qaadaan.
Wasiirka Beeraha ayaa tilmaamay in qudaartaas dalka loosoo dhoofinayo ay caqabad ku tahay beeraleyda Soomaaliyeed, suuqxumo-na ay ku keeneyso maadaama canshuur la’aan ay suuqa soo gasho.
Qudaartaan dalka waxaa soo geliya ganacsato aan sharci u heysan dhoofinta dalagyada beeraha noocyadooda kala duwan, sida uu sheegay Wasiirka Beeraha Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.
“In diyaarad rakaab loogu talagalay ay qudaar soo qaado, waa dambi, waxaanan kasoo saari doonaa sharci,” ayuu yiri Wasiirka Beeraha Soomaaliya.
Ugu dambeyn, Wasiirka Beeraha ayaa ballanqaaday in sharci laga soo saari doono, soo dhoofinta qudaarta nooceeda dalka laga heli karo.
Go’aankaan ayay Wasaaradda Beeraha u aragtaa inuu yahay mid sare u qaadaya waxsoo saarka beeraleyda Soomaaliyeed.