Tuesday, March 11, 2025

Mareykanka Masii Wadi Doona Taageerada Soomaaliya?

 soohoyde

Muqdisho ,Soomaaliya – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa xaqiijiyay in dowladda Mareykanka ay sii wadi doonto deeqaha ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan kuwa la xiriira amniga iyo gargaarka bini’aadminimo, xilli ay jireen warar hore oo muujinayay isbeddel ku yimid taageeradaasi.

Isagoo la hadlayay warbaahinta Dowladda, Wasiir Biixi ayaa caddeeyay in Mareykanku sanaddiiiba uu Soomaaliya siiyo taageero dhaqaale oo gaaraysa 500 milyan oo doollar, taas oo isugu jirta maalgelinta ciidamada Danab iyo ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS). Wuxuu xusay in miisaaniyadda amniga aan wax weyn iska beddelin, islamarkaana qorshaha deeqaha uu sidoodii u soconayo.

Wasiirka Maaliyadda ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladda Soomaaliya la soo wareegtay bixinta mushaharka qeyb ka mid ah ciidamada Danab, taasoo ahayd qorshe hore loo dejiyay. Wuxuu meesha ka saaray warar hore oo muujinayay in Mareykanku hakiyay taageeradiisii amniga, isagoo xusay in deeqahaasi ay si caadi ah u socdaan.

Marka laga hadlayo amniga, Mareykanku sanad kasta wuxuu Soomaaliya ka taageeraa dhaqaale ku dhow 500 milyan oo doollar. Taageeradaasi waxay isugu jirtaa taageerada ciidamada Danab iyo ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiir Biixi.

Wasiirka Maaliyadda ayaa tilmaamay in Mareykanku yahay dowladdii ugu deeqaha badnayd ee Soomaaliya ka hesho, isagoo xusay in kaalmooyinkaasi ay muhiim u yihiin xasilloonida iyo horumarka dalka.

Wuxuu xusay in Mareykanku uu Soomaaliya ka cafiyay deyn ka badan hal bilyan oo doollar, taasoo muujineysa sida qoto dheer ee uu xiriirka labada dal u yahay.

“Dhinaca gargaarka bini’aadminimo, Mareykanku wuxuu xaqiijiyay in deeqaha la siin jiray Soomaaliya ay sidoodii u soconayaan, taasoo muujinaysa in Soomaaliya mudnaan gaar ah u leedahay Mareykanka, xitaa iyada oo ay jiraan culeysyo dhaqaale oo caalami ah,” ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka Maaliyadda.

Hadalka Wasiir Biixi ayaa imaanaya afar maalmood kadib markii uu ka hor sheegay Baarlamaanka in taageeradii Mareykanku siin jiray ciidamada qaranka, gaar ahaan cutubka Danab, iyo hay’adaha maaliyadeed sida Xarunta Warbixinta Maaliyadda, ay istaagtay.

Balse hadalkiisa cusub ayaa muujinaya in Mareykanku wali sii wado taageeradiisii amniga iyo arrimaha bini’aadminimo ee Soomaaliya, taasoo meesha ka saaraysa walaacii ka dhashay wararkii hore ee sheegayay isbeddel ku yimid deeqahaasi.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here