By Asha Elmi
MUQDISHO, Soomaaliya – Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Benaadir, Macalin Mahdi, ayaa shaaciyey in la siin doono abaalmarin dhan $30,000 qofkii keena xog sugan oo horseeda in la qabto dadkii ka dambeeya tuurista hoobiyeyaasha lagu weeraro qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Taliye Mahdi oo hadalkan jeediyay 6-da Juun 2025, maalinta koowaad ee Ciidul-Adxaa, ayaa si toos ah ugu baaqay shacabka degan degmooyinka lagu bartilmaameedsaday weerarradaasi, isagoo ka codsaday inay si degdeg ah u soo sheegaan cid kasta oo ay arkaan iyadoo hoobiyeyaal tuuraysa ama ku hawlan diyaarinta weerarro.
“Qofkii keena xog sugan oo ku saabsan nimanka habeennadii saqda dhexe hoobiyaha tuura, waxaa la siin doonaa abaalmarin gaareysa $30,000.” ayuu yiri Taliye Mahdi.
Taliyaha ayaa sidoo kale xusay in xilliyada la dareemayo khatarta ugu badan ay yihiin inta u dhexeysa 8-da fiidnimo ilaa 9-ka habeenimo, taasoo ah waqtiyada ay kooxaha falalka argagixisanimo geystaan. Wuxuu dadweynaha kula dardaarmay inay ku ekaadaan guryahooda, gaar ahaan xilliyada dambe ee habeenkii, oo uu tilmaamay inay yihiin saacado uu cadowgu u adeegsado weerarrada. Taliyaha ayaa sidoo kale xusay in hay’adaha ammaanka ay feejigan yihiin oo ay la shaqeyn doonaan shacabka si loo xaqiijiyo nabadgelyada caasimadda.