Tuesday, June 17, 2025

Booliska SSC-Khaatumo oo soo bandhigay 23 Qof oo ku edeysan kufsi wadareed

Laacaanood (Dawan) – Taliska Ciidanka Booliska ee Dawlad Goboleedka SSC-Khaatumo ayaa shaaciyay in ay gacanta ku soo dhigeen 23 eedeysane oo loo haysto fal kufsi wadareed ah iyo jirdil adag oo habeenkii Sabtida, 14-kii Juun 2025, loogu geystay laba gabdhood oo dhalinyaro ah magaalada Laascaanood.

War-saxaafadeed ay soo saareen boolisku waxay ku sheegeen in falka foosha xun uu dhacay abaare 10:30 fiidnimo, isla markaana ay durba bilaabeen baaritaan ballaaran oo horseeday in inta badan eedeysaneyaasha la soo qabto 48 saac gudahood. Hal eedeysane wali waa baxsad, waxaana socda hawlgal lagu raadjoogayo.

Boolisku waxay horay u soo bandhigeen sawirrada qaar ka mid ah eedeysaneyaasha, iyagoo ballan qaaday in saacadaha soo socda la shaacin doono magacyada iyo sawirrada dhammaan eedeysaneyaasha.

Afhayeenka Booliska SSC-Khaatumo, Liibaan Barre Ducaale, ayaa sheegay in laamaha amniga ay u taagan yihiin difaaca xuquuqda muwaadiniinta, isla markaana eedeysaneyaasha ay mari doonaan cadaalad adag.

“Ciidanka Booliska SSC-Khaatumo waxay u balan qaadayaan qoysaska dhibbanayaasha iyo guud ahaan bulshada in dambiyadaas laga jawaabi doono si waafaqsan xeerarka dalka,” ayuu yiri Liibaan.

Boolisku sidoo kale waxay xaqiijiyeen in uu socdo baaritaan gaar ah oo ku saabsan mid ka mid ah eedeysaneyaasha, oo la tuhunsan yahay inuu la deganaa dhalinyarada falka ku eedeysanayaasha uu ka qeyb galay imtixaanka shahaadiga ah.

Dhacdadan ayaa abuuray caro weyn iyo baaqyo badan oo la xiriira xoojinta sharciyada iyo ilaalinta badbaadada haweenka, iyada oo baraha bulshada si weyn looga falceliyay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here