Sunday, September 7, 2025

Cabdiraxmaan Cabdishakuur: Beesha Caalamku Weli Waa Lama Huraan

Muqdisho (Dawan Africa) – Hogaamiye mucaaradka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa xusay muhiimadda sii jirtaanka ee beesha caalamku ku leedahay wada-hadallada doorashooyinka Soomaaliya, isaga oo sheegay in kaalinteedu weli lama huraan u tahay ilaalinta dheellitirka arrimaha Soomaaliya.

Isagoo ka hadlayay “Miizaan,” oo ah dood siyaasadeed oo ay Dawan baahisay Sabtida, ayuu Cabdiraxmaan ku dooday in Soomaalidu weli aysan gaarin heer ay si buuxda u xallin karaan khilaafaadkooda siyaasadeed.

“Anigu ma aaminsani in Soomaalidu weli gaareen heer ay si madax-bannaan arrimahooda u xallin karaan. Sidoo kale, ma u malaynayo in hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ee maanta ay gaarsiisan yihiin heerkii kuwii ka horreeyay,” ayuu yiri.

Wuxuu tilmaamay in kaalinta beesha caalamku ay sannadihii la soo dhaafay is beddeshay isagoo sheegay in mararka qaar ay ahaayeen ciyaartooy garoonka ku jira, mararka qaarna garsoore bannaanka ka xukuma, maanta badankoodna ay daawadayaal yihiin . Si kastaba, waxa uu sheegay in saameyntooda weli ay jirto, isagoo sheegay in si hoose fariimo ugu gudbiyaan, gaar ahaan marka ay timaaddo dhinacyada is heysta.

Cabdiraxmaan ayaa intaa ku daray in mucaaradka iyo dowladda federaalka labaduba si joogto ah ula kulmaan xubnaha loo yaqaan quartet—Qaramada Midoobay, Mareykanka, Boqortooyada Ingiriiska iyo Midowga Yurub—kuwaas oo uu sheegay in siyaaba kala duwan u saameeyaan habka doorashada iyadoo ku xiran heerka saameyntooda.

Markii la weydiiyay in loo baahanyahay kaalintooda oo laga maarmana tahay iyo in kale, wuxuu sheegay in beesha caalamku weli tahay lama huraan oo loo baahanyahay kaalintooda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here