Friday, May 23, 2025

Maxaa Looga Hadli Doonaa Shirka Waddamada Carabta ee Baqdaad

Soohoyde

Muqdisho – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka qaybgalaya shir madaxeedka 34-aad ee Ururka Jaamacadda Carabta oo ka furmaya magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq.

Madaxweynaha ayaa dalka Ciraaq gaaray shalay, halkaas oo si rasmi ah uu ugu soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ciraaq,Fuad Xuseen.

Shirka sanadkaan waxaa looga hadlayaa arrimo muhiim ah oo ay ugu waaweyn yihiin qadiyadda Falastiin, la-dagaallanka argagixisada, iyo xoojinta amniga waddamada Carabta.

Inta uu shirku socdo, madaxda Carabta ayaa sidoo kale ka doodi doona xaaladaha cakiran ee ka taagan dalalka Yemen, Sudan, Suuriya, iyo Liibiya.

Sida ay sheegtay Madaxtooyada Soomaaliya, shirkaan ayaa sidoo kale looga hadli doonaa xaaladaha amni iyo siyaasadeed ee dalka Soomaaliya.

Shirkii ka horeeyay shirkaan ayaa lagu qabtay magaalada Aljeeriya bishii Sebtember 2023, waxaana looga hadlay qadiyadda Falastiin, dagaalka Gaza, iyo sidoo kale xaaladaha amni ee gobolka iyo horumarinta iskaashiga dhaqaale iyo siyaasadeed ee waddamada Carabta.

Shir madaxeedka Jaamacadda Carabta waa shir sanadle ah oo la bilaabay sanadkii 1946, shirkii ugu horreeyayna waxa uu ka dhacay magaalada Cairo, Masar. Tan iyo markaas, madaxda waddamada Carabta ayaa si joogto ah isugu yimaada si ay uga wada hadlaan arrimaha gobolka, siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, iyo arrimaha bulshada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here