Muqdisho, Soomaaliya – Hay’adda La Dagaallanka Maaliyadda Argagixisada (TFTC) ayaa soo saaray liiska 15 xubnood oo xiriir la leh Al-Shabaab oo ka hawlgala Soomaaliya. Xubnahani waxaa ku jira hogaamiyayaal, hawlgalayaal, iyo fududeeyayaasha maaliyadeed ee si toos ah ugu lug leh taageeridda hawlgallada kooxda Al-Shabaab.
Shaqsiyadani oo ka hawlgala gudaha Soomaaliya, ayaa lagu eedeeyay inay ka qayb qaateen hawlgallo taageeraya kooxda Al-Shabaab, sida ururinta lacagaha, fududeynta soo saarista waxyaabaha qarxa, iyo ku dhaqanka falalka caburinta dadka shacabka ah.
Xubnaha la magacaabay waxaa ka mid ah Hasaan Abshir Xuuroow, Aadan Yusuf Saciid Ibrahim, iyo Mumin Dheere, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ka qayb qaateen ururinta lacagaha, ka ganacsiga dadka la afduubay, iyo fududeynta qaraxyada.
Tallaabadan ayaa lagu sheegay in ay tahay wareegii siddeedaad ee wadashaqeynta TFTC, waxaana la sheegay in tallaabooyinkani ay xakameyn doonaan awooda kooxda Al-Shabaab ay ku maalgeliso falalkooda.
Hay’adda ayaa ku adkaysatay muhiimada ay leedahay in la xakameeyo awoodda kooxda Al-Shabaab ay ku helayso maalgelin caalami ah, taasoo ka caawinaysa inay sii wadaan falalkooda. Anna Morris, Xoghayaha Kumeelgaarka ee Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ee La-dagaallanka Maaliyadda Argagixisada, ayaa caddeysay in iskaashiga ay ku hawlan yihiin dalalka TFTC ay muhiim u tahay la dagaallanka shabakadaha maaliyadeed ee kooxda Al-Shabaab.
“TFTC waxay ka shaqeyneysaa in ay Al-Shabaab ka hor istaagto helitaanka shabakadaha maaliyadeed ee gobolka iyo kuwa caalamiga ah si loo helo maalgelin, loo qorsheeyo weerarada, iyo si loo taageero howlaha rabshadaha,” ayay tiri Anna Morris, Kuxigeenka Xoghayaha Wasaaradda Maaliyadda ee Maaliyadda Argagixisada.
Bishii May 2023, Mareykanka ayaa magacaabay 15-ka xubnood kuwaas oo qayb ka ahaa 26 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, oo lagu eedeeyay inay ka qeyb qaateen hawlo kala duwan oo taageero u ah Al-Shabaab, oo ay ku jiraan fududeynta maalgelinta, hawlaha ganacsi, ururinta lacagaha magaca kooxda, iyo sameynta waxyaabaha qarxa.
Hay’addaan oo ka kooban 6 waddan oo Khaliijka ah iyo Mareykanka, ayaa shaqadeedu tahay inay xoojiyaan iskaashiga ka dhaxeeya Maraykanka iyo xubnaha Gulf Cooperation Council (GCC) oo ah: Bahrain, Kuwait, Cuman, Qadar, Sucuudiga, iyo Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE), si ay u burburiyaan shabakadaha maalgelinta argagixisada.