Wednesday, February 5, 2025

Maxay tahay Caanshuurta la Saaray Boorarka Xayaysiinta?

Soohoyde

Muqdisho Soomaaliya –   Maamulka Gobolka Benaadir ayaa soo saaray amar cusub oo ku saabsan boorarka xayaysiinta ah  ee lagu dhejiyo waddooyinka magaalada .

Go’aankan oo kasoo baxay Agaasinka Canshuuraha ee Gobolka Benaadir ayaa si cad u qeexaya in dhammaan boorarka xayaysiinta ee ku xiran laamiyada iyo waddooyinka magaalada laga doonayo in la diiwaangeliyo si canshuur looga qaado.

Waxaan  karabnaa shacabka Soomaaliyeed inaan u sheegno in boorarka iyo baalayaasha magaalada ku dhagan ay waajib tahay in laga bixiyo canshuur,” ayay tiri Agaasimaha Canshuuraha Gobolka Benaadir Sowda Suudi

Sidoo kale, agaasimaha ayaa xustay  in shirkad kasta ama ganacsi kasta oo Muqdisho ka shaqeeya laga doonayo in ay boorarkooda si rasmi ah u diiwaangeliyaan, inkastoo aysan si rasmi ah u caddeyn qadarka lacagta ee shirkadahaasi laga qaadi doono.

Maamulka Gobolka Benaadir ayaa sidoo kale sheegay in aan magaalada laga dooneyn boorarka aan iftiinka lahayn xiliyada habeenkii, iyaga oo ku tilmaamay in ay hoos u dhigayaan bilicda magaalada.

Boorarka gobolku amray in la xirto  waa  nooca ifaya ee loo yaqaano Boxlight, kaas oo ah mid qiime ahaan ka qaalisan kan aan iftiinka lahayn. Arrintan ayaa keentay in ganacsato badan door bidaan boorarka aan iftiinka lahayn si ay uga fogaadaan kharashka badan ee ku baxaya kuwa ifaya.

Boorarkaan la canshuurayo ayaa si weyn loogu dhejiyay laamiyada iyo waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho, iyada oo shirkadaha xayaysiimaha u adeegsadaan si ay u gaaraan macaamiishooda.

Ganacsatada iyo Shirkadaha oo keliya ma adeegsadaan boorarka waddooyinka la surayo sidoo kale siyaasiyiinta  ayaa u adeegsada mararka qaar  olollahooda siyaasadeed.

Waxaa xusid mudan in ganacsatada qaar marka ay doonayaan in ay boorarka ganacsigooda ku dhajiyaan waddooyinka iyo laamiyada ay marka hore kala xaajoodaan madbacadaha u sameeyay boorarka, si ay uga helaan adeegga dhajinta iyo xulashada goobaha ku habboon.

Go’aankan cusub ayaa la filayaa inuu saameyn ku yeesho ganacsiyada yaryar iyo kuwa waaweyn ee magaalada, maadaama ay khasab tahay in ay la jaanqaadaan shuruucda maamulka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here