Thursday, September 19, 2024

Casriyeynta waddada tareenka ee Jabuuti iyo Itoobiya oo laga hadlay

Jabuuti (Dawan)- Jabuuti iyo Itoobiya ayaa kawada hadlay xoojinta iskaashiga labada dhinac gaar ahaan qorshaha lagu casriyeynayo waddada tareenka ee isku xirta labada dal.

Arrintaan ayaa timid kadib markii uu agaasimaha guud ee shirkadda tareenada Itoobiya, Takele Uma Banti uu booqasho ku tegay Jabuuti isaga oo kulan la qaatay Wasiirka Gaadiidka iyo Qalabaynta Jabuuti, Xasan Maxamed Maxamuud.

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa danjiraha Itoobiya ee Jabuuti, Berhanu Tsegaye iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Jabuuti oo uu ugu horreeyo Madaxa Waddada tareenada Jabuuti iyo Itoobiya Xasan Maxamed Kaamil.

Safiirka Itoobiya waxa uu sheegay in shaqaalaha ka howlgala waddada tareenada ay hayaan howl adag oo laf dhabar u ah isku xirka iyo dhaqaalaha labada dal.

Waddadaan oo dhirirkeedu dhanyahay 750 kilomitir, waxaa dhismaheeda la bilaabay sannadkii 2011-kii, waxaana ku baxay lacag dhan 4 bilyan oo doolar. Tan iyo markii la hirgeliyay waxay kaalin wayn ka qaadatay in badeecadaha kasoo dega dekadaha Jabuuti ay waqti kooban ku gaaraan Itoobiya.

70% kharashka lagu maalgeliyay mashruucan waxa bixiyay Shiinaha , halka 30% soo haray ay bixisay dawladda Itoobiya, iyada oo ay dowladda Jabuuti ku kabtay mashruuca $878 milyan.

Bishii May ee sannadkan, shirkadda Dhismaha waddooyinka Tareennada ee Shiinaha (CRCC) ayaa si rasmi ah ugu wareejisay dowladaha Jabuuti iyo Itoobiya maamulka waddada tareenada ee isku xirta labada dal lix sano kadib oo ay maamuleysay.

Tan iyo markii la hirgeliayay mashruucan, tareenka isticmaala wadaddan ayaa sameeyay in ka badan 1,824 safar, iyada oo ay ka faa’iideysteen ku dhawaad 530,900 rakaab ah, iyo 6,133 safar oo xamuul ah isaga oo qaaday ku dhawaad 7,328,500 oo tan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here