Muqdisho (Dawan) – Ciidamada Burundi ee qayb ka ah Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika (AUSSOM) ayaa sii wadaya hawlgalkooda muddo lix bilood ah, inkasta oo markii hore loo qorsheeyay inay ka baxaan Soomaaliya 30-kii Juun 2025. Go’aankan ayaa laga soo saaray kulankii 1287-aad ee Guddiga Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika (AUPSC) ee 3-dii Luulyo 2025.
Guddiga AUPSC ayaa go’aankan ku sababeeyay baahida loo qabo joogitaanka ciidamada Burundi ee hawlgalka AUSSOM. Guddiga ayaa sidoo kale oggolaaday in dhammaan ciidamada AUSSOM ee ku sugan Soomaaliya, oo ay ku jiraan kuwa dib u dhacay wareejintooda sababo hawlgalka la xiriira, ay helaan taageero saadka oo ka timaada Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) muddo lix bilood ah.
“Wuxuu go’aansaday in dhammaan ciidamada AUSSOM ee militariga iyo booliiska hadda ku sugan aagga howlgalka, oo ay ku jiraan kuwa ka soo wareejinta aagga howlgalka laga joojiyay 30ka Juun 2025 sababo shaqo awgeed, inay u qalmaan taageerada saadka ee UNSOS, muddo aan ka badneyn lix (6) bilood.”ayaa lagu yiri qoraalka kulanka soo baxay.
Burundi ayaa markii hore loo qorsheeyay inay ka baxdo Soomaaliya si loo hirgeliyo kala-guurka ka yimid Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika (ATMIS) una gudbayo AUSSOM. Si kastaba, khilaafaad ku saabsan qorsheynta ciidamada iyo dib u dhac ku yimid soo gelitaanka ciidamada Masar ayaa keentay in Burundi ay sii joogaan si loo ilaaliyo xasilloonida hawlgallada.
Guddiga AUPSC ayaa sidoo kale ku booriyay wadashaqeyn dheeri ah oo dhex marto Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Boqortooyada Midowday iyo waddamada kale ee muhiimka ah, si loo abaabulo shir looga wada hadli doono sidii loo heli lahaa kharashka loo baahan yahay AUSSOM, iyadoo miisaaniyadda hawlgalka sanadkii gaarayso $166.5 milyan.
Go’aankan wuxuu iftiiminayaa caqabadaha sii socda ee hawlgallada nabad ilaalinta ee caalamiga ah ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha la xiriira wareejinta ciidamada, maalgelinta, iyo wadaxaajoodyada dowladaha.