Monday, July 14, 2025

Ciidamo Cusub oo Gorgor  ah oo Ka Qalin-Jabiyay Kulliyada Millateri ee TurkSom

Muqdisho (Dawan ) –koox cusub oo ka tirsan ciidamada Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliya ee Turkiga uu tababaro  ayaa ka qalin-jabiyay Kulliyada Millateriga TurkSom ee Muqdisho.

Munaasabadda qalin jabinta oo ka dhacday xerada TurkSom, ayaa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin sare, oo ay ku jiraan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, iyo Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Maallim Fiqi.

Ra’iisul Wasaaraha Barre ayaa hambalyo u diray saraakiisha cusub, isagoo muujiyay muhiimadda ay leedahay doorarkooda mustaqbalka Soomaaliya. “Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waa laf-dhabar u ah dowladnimo xooggan oo isku filan. Waa inaad qaadataa mas’uuliyaddan oo aad diyaar u noqotaan inaad dalka ka xoreysaan cadowga iyo inaad soo celisaan qiimaha, sharafka, iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Kooxdaan cusub ayaa waxaa ka mid ah saraakiil, saraakiil-xigeenno, iyo askar, kuwaas oo ka tirsan dufcadaha 7-aad iyo 8-aad iyo , ururka 203 ee kumaandooska Gorgor, iyo ururka 204 ee Gorgor.

Ciidamadan qalin jabiyey ayaa tababar ku soo qaatay dalka Turkiga halka qaarka kalana ay ku qaateen xerada TurkSom.

Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Maallim Fiqi, ayaa caddeeyay in dowladda ay sii wadi doonto tababarka iyo qalabeynta ciidamada, si loo hubiyo in ciidamadu noqdaan kuwo awood u leh inay la dagaallamaan kooxaha ka dagaallama iyo inay difaacaan dalka.

“Waxaan rajeynayaa in ciidankaan, wiilasha iyo gabdhaha ah ay noqon doonaan awoodda la lagu qiimeyn lahaa awoodda dalka,” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Odowa Yuusuf Rage, ayaa sidoo kale ka hadlay, isagoo ku booriyay saraakiisha cusub inay si buuxda u gutaan waajibaadkooda qaran, iyagoo xoogga saaraya xoojinta amniga iyo ilaalinta madax-bannaanida Soomaaliya. “Idinku waajibkiina waa inaad ilaalisaan xasilloonida iyo amniga dalka,” ayuu yiri Jeneraal Odowa.

Qalin-jabinta ciidamada Gorgor waa qayb ka mid ah qorshaha ballaaran ee dowladda Soomaaliya ee lagu doonayo in lagu casriyeeyo milatariga dalka. Dowladda ayaa si weyn ugu dadaaleysa inay xoojiso ciidamadeeda si ay uga jawaabaan halista sii kordheysa ee ay soo wajahdo kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Xerada TurkSom, oo ah saldhig millateri oo Turkiga ku leeyahay Muqdisho, ayaa si rasmi ah loo furay 30-kii Sebtembar 2017, iyadoo tan iyo waagaas lagu tababaray kumanaan ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here