BY Abukar Osman
Addis Ababa (Dawan) – Xukuumadda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay gacanta ku dhigtay 82 qof oo lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin ISIS, kadib baaritaan ballaaran oo la sameeyay ku saabsan howlaha kooxda ee Itoobiya.
Sida uu sheegay Xafiiska Sirdoonka iyo Amniga Qaranka Itoobiya (NISS), dadka la xiray ayaa lagu soo eedeeyay inay ka soo qeybgaleen tababarro ay bixisay Daacish, gaar ahaan Daacishta Puntland ee Soomaaliya. Eedeysanayaasha ayaa loo soo diray in ay aasaasaan unugyo Daacish ah oo ku yaalla dalalka kala duwan, oo ay ku jirto Itoobiya.
NISS ayaa sheegtay inay si dhow ula socdtay dadaallada kooxda Daacish ee Soomaaliya oo doonayay inay isku fidiyaan Itoobiya, waxaana ay sheegeen in qiimeyntii ugu dambeeyay ee kooxdu ay muujisay khatar amni oo sii kordhaysa.
Sida ay NISS sheegtay Eedeysanayaasha ayaa lagu qabtay magaalooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin Addis Ababa, Sheger ee Oromia, Adama, Haromaya, Shashemene, Bale, Jimma, iyo Shakiso, sidoo kale magaalada Silte Zone iyo Halaba Kulito ee gobolka Dhexe ee Itoobiya. Waxa kale oo laga qabtay Jigjiga ee gobolka Soomaalida iyo gobolka Harari.
NISS ayaa bogaadisay ka qayb qaadashada bulshada ee ku aaddan hawlgalkan, iyadoo ka dhigtay taageerada ay ka heleen bulshooyinka muhiim si loo sugo amniga guud.
Puntland, oo ka tirsan Soomaaliya, ayaa lagu tilmamamaa inay tahaysaldhigga ugu weyn ee kooxda daacish ku leedahay Afrika iyadoo ay sii kordhayaan digniinaha khataraha kooxda ee Geeska Afrika.
Sidoo kale Dowlad Goboleedka Puntland ayaa qaaday dhowr howlgallo si ay uga hortagto xubnaha Daacish bilihii la soo dhaafay, iyadoo heleysa taageero caalami ah si looga hortago ballaarinta kooxdaas ee Geeska Afrika.