Calmiskaad,Puntland- ciidamada ciribtirka argagixisada ayaa sheegay in ay dileen nin ka tirsanaa kooxda Daacish. Taliska Ciribtirka Argagixisada Puntland ayaa war qoraal ah oo uu baahiyay ku sheegay in ciidamadu ay dileen xubin ka tirsanaa Daacish, kaas oo ku howlanaa aasida miino uu dhigayay inta u dhexeysa deegaanka Turmasaale iyo Makadaan.
“Ciidanku waxay maanta dileen nin ka tirsanaa Argagixisada Daacish oo miino ku aasayey inta u dhexeysa Turmasaale iyo Makadaan,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay taliska.
Ciidamada ayaa sidoo kale sheegay in si nabad ah loo qarxiyay miinooyinkii uu watay ninka la dilay, iyagoo tilmaamay in ninkaasi uu ka tirsanaa kooxda Daacish.
Deegaannada Puntland waxaa weli ka socda howlgalka “Hilaac” oo ka dhan ah kooxaha ka dagaalama deegaanada Puntland, gaar ahaan Daacish.
Howlgalka ciribtirka argagixisada Puntland ayaa haatan maraya wejigiisa saddexaad, iyadoo shalay Madaxweynaha Puntland uu sheegay in uu howlgalku marayo gabagabadii wejigan saddexaad.