Tuesday, July 22, 2025

Kismaayo:AUSSOM oo Sagootisay Cutub Ka Tirsanaa Ciidanka Sierra Leone


Soohoyde

Kismaayo(DAWAN )– Xaflad sagootin ah ayaa lagu qabtay magaalada Kismaayo, taasoo lagu maamuusayay cutub ka tirsan Ciidanka Booliska Sierra Leone oo muddo ku howlgallayay gudaha Soomaaliya, si gaar ah qeybta nabad ilaalinta ee Hawlgalka Midowga Afrika ee Xasilinta iyo Taageerada Soomaaliya(AUSSOM).

Xafladdan oo uu soo qabanqaabiyay Taliska Qeybta Labaad ee AUSSOM, ayaa ujeedadeedu ahayd sagootin iyo mahadcelin rasmi ah oo loo sameeyay cutubkii shanaad ee Ciidanka Booliska Sierra Leone (SLFPU V), kuwaas oo si rasmi ah shaqadooda ugu soo gabagabeeyay dalka.
Waxaa xafladda ka soo qeyb galay saraakiil sare oo ka socday ciidamada Kenya (KDF) iyo Sierra Leone, kuwaas oo muujiyay muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta iyo is-bedelka hufan ee ka dhex jira ciidamada AUSSOM.

Taliyaha qeybta labaad ee AUSSOM, Brigadier Edward Banda, oo hadal ka jeediyay munaasabadda, ayaa sheegay in ciidamada Sierra Leone ay door muuqda ka qaateen:
• Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab,
• Xasillinta deegaannada laga xoreeyay,
• Iyo tababarada la siiyay ciidamada amniga Soomaaliya.

Ciidanka cusub ee la wareegay, kuwaas oo ah SLFPU VI, ayaa si rasmi ah ugu beddelay cutubkii hore, iyagoo durba bilaabay inay la wareegaan howlaha amni ee lagu sagootiyay ciidankii hore.
Taliyaha ciidanka baxayay ee Sierra Leone, Superintendent Samuel Abubakar, ayaa uga mahadceliyay hay’adda UNSOS taageerada agabka iyo tababarada ay siiso cutubyadooda, wuxuuna xusay in iskaashigaasi uu yahay mid muhiim u ah guulaha ay gaareen intii ay joogeen Soomaaliya.

Sierra Leone waxay si rasmi ah qeyb uga tahay hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya tan iyo sanadkii 2013, markaas oo Guddiga Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (AU PSC) uu ansixiyay in lagu daro ciidamadooda AMISOM – (hawlgalkii ka horeeyay AUSSOM).

howlgalka AUSSOM ayaa ah mid ku dhisan nidaam wareeg ah, kaas oo waddamada ciidamadoodu ka joogaan Soomaaliya sida Sierra Leone, Kenya, Uganda iyo Burundi, ay si isdaba joog ah u diraan cutubyo cusub oo beddela kuwii hore.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here