Thursday, September 19, 2024

Askari ka tirsan ilaalada komishanka doorashooyinka oo shil ku dhintay

Hargeysa (Dawan)- Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay, siddeed kalena waxaa soo gaaray dhaawac kadib markii uu shil galay gaari ay saarnaayeen ciidanka ilaalada komishanka doorashooyinka Somaliland.

” Shil baabuur ayaa ku dhacay gaadhigii Askarta ee weftiga Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ee sahaminta goobaha doorashada ugu baxay gobalada bariga” sidaas waxaa lagu yiri, qoraal kooban oo kasoo baxay, Komishanka Doorashooyinka

Askariga geeriyooday waxaa lagu magacaabi jiray Aadan Siciid Xasan. Askarti kale ee dhaawacu soo gaaray ayaa la geeyay Isbitaalka Degmada Sheekh.

Somaliland ayaa diyaar garoow xoogan ugu jirta doorashada madaxtnimada ee la qorsheeyay in la qabto 13ka November, waxaana ku tartami doona Muuse Biixi Cabdi, Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here