Monday, September 16, 2024

Ciidanka Jabuuti oo fashiliyay shabakad dadka tahriibisa

Jabuuti (Dawan)- Ciidamada Boliiska Jabuuti ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen 109 ruux oo tahriibayaal ah kuwaas oo isagu jira rag iyo dumar.

Dadkaan tahriibayaasha ah ayaa la socday laba gaari, waxaana ku mid ahaa siddeed dumar, inkasta oo aan la shaacin dalka ay dhalasho ahaan kasoo jeedaan.

Ciidamadu waxa ay sidoo kale soo qabteen 2 qof kuwaas oo lagu eedeeyay inay mas’uul ka ahaayeen tahriibinta dadka, waxaana lagu wareejiyay hay’adaha ku shaqada leh.

Dadkii lasoo qabtay ayaa dhammaantood lagu celiyay xadka  Guelile ee Koonfurta Jabuuti

Ciidamada ilaalada xuddudaha ee Jabuuti ayaa dadaal ku bixiya sidii looga hortegi lahaa tahriibka isu socodka sharci darraada ah, waxayna inta badan soo qabtaan dad doonaya inay tahriib u galaan Yemen oo ay uga sii gudbayaan Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here