Saturday, June 21, 2025

Ciidanka Soomaaliya iyo AUSSOM oo Al-Shabaab kala wareegay Sabiid iyo Caanoole

Shabeellaha Hoose (Dawan) – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA) iyo AUSSOM ayaa si buuxda ula wareegay deegaannada istiraatiijiga ah ee Sabiid iyo Caanoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo ay ku sugnaayeen kooxda Al-Shabaab sida sheegeen Ciidanka Xoogga.

Taliyaha Guutada 7-aad ee Qeybta 12-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Axmed Gaashaan, ayaa xaqiijiyay guusha howlgalka, isagoo ku tilmaamay mid muhiim ah oo kaalin weyn ka ciyaaraysa dib u soo celinta amniga gobolka.

Taliye Axmed Gaashaan ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadu ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ku sugan deegaanada gobolka Shabeellaha Hoose iyo guud ahaan dalka.

Lawareegidda deegaannadan ayaa qeyb ka ah howlgalka “Duufaanta Aamusan”, oo ay si wadajir ah u fulinayeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo AUSSOM.

“Iyadoo la fulinayo Howlgalka ‘Duufaanta Aamusan’, Ciidanka Xoogga Dalka iyo AUSSOM ayaa guul weyn ka gaadhay, iyagoo si buuxda u xoreeyay Sabiid iyo Caanoole oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Howlgalkan “Duufaanta Aamusan” ayaa ah hawlgal ay Wasaaradda Gaashaandhigga ku dhawaaqday dhwaan ,waxaana si wadajir ah u fuliyaan Ciidanka Xoogga Dalka iyo AUSSOM. Howlgalka ayaa si gaar ah diiradda u saaray goobaha ay Al-Shabaab ka maamulaan ee Koonfurta Soomaaliya, iyadoo ujeedadu tahay in la burburiyo awoodda kooxda ee deegaanada baadiyaha ah iyo in la joojiyo fursadaha ay ku fulin karaan weeraro.

16-kii bishan ayaa Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya sheegay in marxaladaha hore ee howlgalka ay keentay in la qabto xubno badan oo ka tirsan Al-Shabaab, in la qabto hub muhiim ah, iyo in la burburiyo goobo ay kooxda ku dhuuman jirtay.

Bilaabashada Howlgalka Duufaanta Aamusan ayaa ku soo beegmaysa xilli muhiim ah oo Soomaaliya ay ku diyaarinayso dabaaldegga 65-guurada Xorriyadda, iyadoo Dowladda Soomaaliya ay rajeynayso in howlgalka uu sii wadi doono guulo dheeraad ah oo lagu soo celinayo dhulalka ay Al-Shabaab ka hayso dalka, isla markaana la soo celiyo maamulada dowladnimo ee gobollada ku shaqeynaya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here