Thursday, June 5, 2025

Cirro: Soomaaliya ha ka gudubto caqabadaha amni iyo siyaasadeed

NAIROBI, Kenya – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay diiradda saarto danaha qarankeeda, isla markaana faraha kala baxdo arrimaha Somaliland, isaga oo sidoo kale ku boorriyay in ay ka gudubto caqabadaha amni, siyaasadeed iyo midnimada dowlad-goboleedyada.

Madaxweyne Cirro ayaa hadalkan ka jeediyay khudbad uu ka jeediyay munaasabadda xuska Maalinta 18 May ee Somaliland, oo ay soo qabanqaabisay jaaliyadda Somaliland ee ku nool caasimadda Kenya, Nairobi.

Cirro ayaa si cad uga hadlay taariikhda iyo mustaqbalka Somaliland, isagoo sheegay in Somaliland aysan marnaba necbeyn Soomaaliya, balse ay ahayd qayb ka mid ah Soomaaliya oo isku duuban oo walaalo ah, balse markii dambe si madax-bannaan iskaga go’day.

Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay in dadka ku mashquulsan arrimaha Somaliland aysan waqti iska lumin, balse ay diiradda saaraan hawlahooda muhiimka ah, maadaama Somaliland ay ku mashquulsan tahay horumarkeeda iyo danta dadkeeda, isla markaana ay howlaheeda sii wadi doonto iyadoon cid kale ku mashquulsanayn.

“Waxaan u sheegayaa dadka ku mashquulsan arrimaha Somaliland inaysan waqti iska lumin hawlahooda, Somaliland-na waxay ku mashquulsan tahay hawlaheeda, idinkuna waxaad tahay inaad shaqadiina qabataan,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ku boorriyay dadka inay sii wadaan ducooyinka iyo taageerada horumarka Somaliland, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la noqdo ummad ku wada noolaata nabad, midnimo, iyo jacayl.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here