Wednesday, August 20, 2025

Cirro oo Ballanqaaday in Somaliland Aqoonsi u keenayo

Berbera (Dawan) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, ayaa ballanqaaday in xukunkiisa uu Somaliland u horseedi doono aqoonsi caalami ah inta lagu jiro muddo xileedkiisa.

Madaxweyne Cirro, oo hadal ka jeediyay magaalada Berbera fiidnimadii Isniintii xilli uu la hadlayay hoggaamiyeyaasha dhaqanka, ayaa sheegay in Somaliland horumar weyn ka samaysay raadinta aqoonsiga, balse maamulkiisa uu ka go’an yahay in uu dhamaystiro dadaalladaas.


“Maalin ka mid ah muddo-xileedkeyga, iyadoo Somaliland la ictiraafsan yahay, ayaan halkan isugu iman doonnaa,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.


Madaxweynaha oo la doortay dabayaaqadii sanadkii 2024 ayaa leh muddo xilheyn shan sano ah, sida uu dhigayo Dastuurka Somaliland.


Somaliland ayaa ku dhawaaqday in ay ka madaxbannaan tahay Soomaaliya sanadkii 1991, tan iyo xilligaasna waxa ay si madax-bannaan u maamulanaysay arrimaheeda, Si kastaba, weli ma aysan helin aqoonsi rasmi ah oo caalami ah mudadaas.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here