Sunday, September 7, 2025

Cirro oo difaacay mashruuca Wajaale kuna tilmaamay maalgashi

Wajaale (Dawan) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, oo difaacaya mashruuca biyo-xireenka iyo beeraha ee laga hirgelinayo Wajaale ayaa sheegay in fursad weyn oo dhaqaale iyo horumar uu yahay, isaga oo cadeeyay in aanay jirin qof dhulkeeda ama beerteeda lagu durgayo iyo mid si khasab ah dhul looga qaadayo.

Cirro oo ka hadlayay doodaha ka dhashay mashruuca xilli uu ku sugnaa Gibiley habennimadii Sabdiga ayaa sheegay in dhulka la isticmaalayo uu muddo labaatan sano ka badan gacanta ku haysay Somaliland, isla markaana heshiisyada la saxiixay ay caddeeyeen in dhulka Somaliland lagu wareejiyay, halka uu isla asaga xaqiijiyay in ay jiraan cabashooyin bulshada deegaanka qaarkood ka imaanaya iyaga oo ku doodaya in la dhahay dhulka marka aad heshiisaan ayaa la idinku wareejiyaa.

“Mashruuca waxaa ku qoran in dhulka dowladdu la wareegtay, maanta waxaa gacanta ku haya ciidamada. Waxaan caddeynaynaa inaanay jirin muwaadin beer looga rarayo ama lagu durgayo,” ayuu yiri Cirro, isagoo mashruuca ku tilmaamay mid soo jiidanaya maalgashi caalami ah oo Somalilnd faa’iido u leh.

Mashruucan oo ay fulineyso hay’adda Pharo Foundation ayaa lagu tilmaamay mid dhaliyay muran iyo walaac bulsho, balse Somaliland iyo taageerayaasheeda ayaa ku doodaya inuu qayb ka yahay horumarinta beeraha iyo la tacaalidda isbeddelka cimilada.

Dukumeentiyo ay Dawan heshay bishii July ee Sanadkaan ayaa muujinaya in Somaliland iyo hay’adda Pharo Foundation ay kala saxiixdeen heshiis kireyn dhul gaaraya 5,800 hektar, iyadoo Pharo sanadkiiba bixin doonto $10 halkii hektar, taas oo wadarta ka dhigaysa $58,000 sanadkii. Dhaleeceeyayaasha ayaa ku tilmaamay qiimaha mid aad u hooseeya oo aan la socon qorshe cad oo dib-u-dejin ah.

Heshiiska ayaa Pharo Foundation siinaya awood buuxda oo ay ku dhisi karto biyo-xireenno, waraabin iyo kaabayaal beeraha taageera, halka Somaliland la wadaagi doonto 10% wax-soo-saarka.

Sidoo kale Dukumeentiyada ayaa muujinaya Pharo Foundation laga dhaafay dhammaan canshuuraha iyo cashuuraha qalabka ay keensanayso, iyadoo hay’addu sidoo kale heli doonto maamul iyo fulin madax-bannaani buuxda oo ay ku go’aansan karto shaqaalaha, maaraynta dhulka, iyo habka uu mashruucu u shaqeyn doono.

Sida uu sheegay cirro mashruca ayaa qeyb ka ahaa heshiisyo ay xukuumadii ka horeysay ay gashay, Gorgortanka heshiiska Mashruuca ayaa socday mudoo 18 bilood ah, iyadoo si toos ah uu ugu lug lahaa Madaxweynihii hore ee Somaliland Muuse Biixi. Hase yeeshee, lama samayn wax shaacin dadweyne ah ama la-tashi bulsho intii uu socday habka heshiiska.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here