Hargeysa (Dawan) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro”, ayaa muujiyay taageero uu u hayo madaxweynaha Mareykanka, isaga oo sheegay in hoggaamiyahan uu ku dhiiraday arrimo aanay madaxweynayaashii ka horreeyay ka hadlin, gaar ahaan arrimaha khuseeya Somaliland.
Cirro ayaa khudbad uu jeediyay xafladda qalin jabinta jaamacadda Burco, ku sheegay inuu ku faraxsan yahay isku dayada madaxweynaha Mareykanka, isagoo xusay in uu ku dhiiraday inuu ka soo afjaro dagaallada caalamka, gaar ahaan kuwa ka socda Ukraine iyo Gaza, isagoo ku tilmaamay dadaalladiisa kuwo mudan in lagu abaalmariyo Nobel Peace Prize.
“Waxaan runtii u mahadnaqayaa madaxweynaha Mareykanka oo ku dhiiraday waxyaabo aan madaxweynayaashii ka horreeyay ku dhiirranin. Aniguna waxaan codkayga ku biirinayaa in uu noqdo musharax u qalma jaa’isadda nabadda ee Nobel,” ayuu yiri Cirro.
Isagoo hadalkiisa sii watay, Cirro ayaa rajo ka muujiyay in go’aamada caalamiga ah ee hadda socda ay Somaliland ka mid noqon doonto, isaga oo ku baaqay in Trump uu ku dhiirrato inuu aqoonsi siiyo Somaliland.