Thursday, September 4, 2025

Cirro: Somaliland diyaar bay u tahay difaaca xuduudaheeda

Hargeysa (Dawan) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi “Cirro,” ayaa sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay difaaca xuduudaheeda haddii ay dhacdo gardarro ama faragelin dibadda ah.
Hadalkan ayuu Madaxweynaha ka sheegay Arbacadii, xilli uu booqday Taliska Guud ee Ciidamada Somaliland ee magaalada Hargeysa, halkaas oo uu kula hadlay saraakiisha sare ee ciidamada. Wuxuu sheegay in nabadda lagu naaloonayey tan iyo 1991 aysan la micno ahayn in aan la difaaci karin gardarro kasta oo la isku dayo.
“Somaliland waa dal nabadeed. Ilaa 1991-kii waxay ku caan baxday xasillooni, taasoo ay kaga duwaneed qaybaha kale ee Soomaalida. Laakiin taasi micnaheedu maaha in aanay is difaaci doonin,” ayuu yiri Cirro. “Sida uu dastuurku qorayo, haddii gardarro dibadda ka timaadda ay dhacdo, ciidamada qaranka ayaa ka jawaabaya.”
Wuxuu intaas ku daray in aanay jirin wax qorshe dagaal ah oo Somaliland horay u lahayd ama hadda diyaarinayso, balse haddii lagu gardarroodo, ay ciidamada diyaar u yihiin inay si degdeg ah uga jawaabaan.
“Nooguma jirin qorshe hore, mana jiro mid hadda yaalla, oo Somaliland ku duulayso cid kale. Laakiin waxaan xasuusinaynaa cid kasta oo isku dayda inay Somaliland ku xadgudubto, ku gefto, ama ku gardarrooto — in guryahooda ugu tagi doono.”
Hadalka Cirro ayaa kusoo beegmaya iyadoo Somaliland ay hore si cad uga hortimid qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dhiseyso maamulka Waqooyi Bari, kaas oo la sheegay in laga hirgelinayo gobollada Sool, Sanaag, iyo Togdheer oo ay sheegato. Somaliland waxay tallaabadaasi ku tilmaantay mid sharci-darro ah iyo faragelin siyaasadeed oo toos u lid ku ah xuduudaheeda iyo jiritaankeeda siyaasadeed.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here