Sunday, July 20, 2025

Congo iyoM23 oo Kala Saxiixday Heshiis Xabad Joojin ah

Soohoyde

Doha, Qatar(Dawan Africa)_Dowladda Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ee Congo iyo jabhadda M23 ayaa maanta magaalada Doha ee dalka Qatar ku kala saxiixday heshiis rasmi ah oo xabad joojin ah, si loo soo afjaro colaadda hubeysan ee muddada dheer ka taagnayd bariga Congo.

Munaasabadda saxiixa heshiiskan ayaa waxaa ka qayb galay wakiillo sare oo ka kala socday labada dhinac, kadib isbuucyo wadahadallo diblomaasiyadeed ah, oo ay ka mid ahaayeen wadahadalladii hore ee ka dhacay magaalada Washington, kuwaas oo u dhaxeeyay dowladda Congo iyo dowladda Ruanda.

Heshiiska ayaa ku saleysan mabaadi’ is-afgarad ah oo labada dhinac ay isku raaceen, kuwaas oo dhidib u taagaya hannaan rasmi ah oo lagu gaari karo heshiis nabadeed oo dhameystiran. Waxaa sidoo kale heshiiska ka mid ahaa qaab-dhismeed cusub oo loogu talagalay wadahadallo miro-dhal ah.

M23, oo ay warar badan sheegeen inay taageero ka helaan dowladda Ruanda, ayaa dhowr bilood la dagaallamaysay ciidamada dowladda Congo. Dagaalkii ugu cuslaa ayaa dhacay bishii Janaayo, xilligaas oo ay M23 la wareegtay gacanta ku haynta magaalooyinka istiraatiijiga ah ee Goma iyo Bukavu.

Colaaddaas ayaa sababtay dhimashada kumannaan qof, halka boqolaal kun oo kale ay guryahooda ka barakaceen. Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa mid muhiim ah, maadaama uu imanayo kadib heshiiskii nabadeed ee u dhaxeeyay Congo iyo Ruanda, kaas oo bishii hore lagu kala saxiixday magaalada Washington.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here