Wednesday, December 18, 2024

Cusbitaalka Sheekh Xasan Yabarree ee Jigjiga oo Helay Qalab Casri ah oo Lagu Baadho Cudurrada Beerka

Jigjiga, Disembar 17, 2024 – Isbitaalka Sheekh Xasan Yabarree ee magaalada Jigjiga ayaa helay qalab casri ah oo loogu talagalay in lagu baadho cudurrada beerka, tallaabo weyn oo kor loogu qaadayo tayada adeegyada caafimaad ee gobolka Dowlad Deegaanka Soomaalida. Sida laga soo xigtay masuuliyiinta isbitaalka, qalabkan cusub ayaa fududeyn doona ogaanshaha iyo daaweynta cudurrada beerka sida hepatitis iyo dhaawacyada kale ee beerka.

Professor Mark Sonderup, oo ah khabiir caalami ah kana socda Jaamacadda Cape Town ee Koonfur Afrika, ayaa yimid Jigjiga si uu u tababaro shaqaalaha isbitaalka sida loo isticmaalo qalabkan casriga ah. Intii uu joogay, wuxuu sidoo kale la kulmay dhakhaatiirta iyo maamulka isbitaalka, isagoo ku dhiirrigeliyay muhiimadda adeegsanayaasha baaritaan degdeg ah oo sax ah.

Qalabkan cusub ayaa sidoo kale yareyn doona baahida loo qabo in bukaannada cudurrada beerka qaba ay safar dheer u galaan si ay u helaan adeegyada caafimaad ee magaalooyinka kale. “Tallaabadan waxay keenaysaa horumar weyn oo ku aaddan helitaanka adeegyo caafimaad oo dhammaystiran gudaha Jigjiga,” ayuu yiri maamulka cusbitaalka.

Professor Sonderup, oo looga danbeeyo cilmi-baarista cudurrada beerka, ayaa xusay in qalabkani uu fursad muhiim ah u yahay dhakhaatiirta deegaanka si ay uga faa’iideystaan aqoonta cusub ee ay helayaan, taas oo sare u qaadi doonta adeegyada caafimaad ee gobolka.

Cusbitaalka Sheekh Xasan Yabarree, oo ku yaalla Jigjiga, waa xarun caafimaad oo bixisa adeegyo kala duwan, oo ay ka mid yihiin adeegyada kalyo-sifeynta iyo adeegyada carruurta, iyadoo bishii ay ka faa’iideystaan in ka badan 1,500 oo bukaan. Sidoo kale, isbitaalka wuxuu heshiis la leeyahay xarumo qalliinka gaarka ah si loo kordhiyo adeegyada qalliinka wadnaha.

4

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here