Thursday, August 7, 2025

Hanti ka badan Nus Milyan oo ku gubatay Suuq Bacaad

Soohoyde

MUQDISHO (Dawan) – Dab weyn ayaa fiidnimadii Isniinta ka kacay Suuq Bacaad, oo ka mid ah suuqyada ugu waaweyn uguna mashquulka badan Muqdisho, wuxuuna sababay geerida hal qof iyo burbur hantiyeed lagu qiyaasay in ka badan $500,000, sida ay mas’uuliyiinta suuqa u xaqiijiyeen Dawan Talaadadii.

Dabka ayaa la sheegay inuu ka bilowday guri ku yaalla gudaha suuqa xilliga salaadda maqrib, sababo la xiriira koronto ku kacday, wuxuuna si degdeg ah ugu fiday qaybo badan oo suuqa ah. Dabka ayaa socday in ka badan 10 saacadood, waxaana la damiyay saqdhexe habeenkii.

Meelaha ugu daran ee uu saameeyay waxaa ka mid ahaa qeybaha lagu iibiyo alaabada guriga, qudaarta, maacuunta, iyo dahabka — kuwaas oo muhiim u ah ganacsatada yaryar iyo dadka dakhligoodu hooseeyo.

“Khasaare nafeed waxaa ka dhashay hal qof. Xalay lix saacadood ayaan halkaan joogay — hantida halkaan ku baaba’day nus milyan way ka badantahay,” ayuu yiri Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Suuq Bacaad, Yuusuf Maxamed Wehliye isagoo la hadlayay Dawan.

Gurmadka ayaa waxaa ka qeyb galay Waaxda Dab-damiska Gobolka Banaadir, shirkado gaar loo leeyahay iyo dadweyne deegaanka ah. Si kastaba, howlgalka ayaa aad dib ugu dhacay sababo la xiriira waddooyin ciriiri ah oo aan u saamaxin gaadiidka dab-damiska inay si toos ah u galaan suuqa.

Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in ganacsato qaar ay ku guuleysteen in ay la baxaan qaar ka mid ah alaabtooda, balse tiro kale oo badan ayaa sheegtay in ay waayeen wax walba.

“Gurmadyo kala duwan ayaa yimid, balse dadaalkoodu ma yareyn khasaaraha. Qaybo badan oo suuqa ah way dumeyn,” ayuu yiri Mustafe Ciise Maxamuud, oo ka mid ah ganacsatada waxyeeladu soo gaartay, mar uu la hadlay Dawan

Maamulka suuqa ayaa xaqiijiyay in qorshayaal lagu hagaajinayo oo lagu ballaarinayo waddooyinka gudaha suuqa hadda laga shaqeynayo, si loo horumariyo marin u helka xaaladaha degdegga ah loogana hortago musiibooyin mustaqbalka dhici kara.

In kasta oo dabab horey uga dhaceen Suuq Bacaad sannadihii la soo dhaafay, haddana dabkan habeenkii Isniinta ayaa lagu tilmaamay kii ugu burburka badnaa ee la xasuusto muddo sanado ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here