Muqdisho, Luulyo 21, 2025 – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay 14 qof Soomaali ah oo ku xirnaa xabsiyo ku yaalla dalka Suudaan, kuwaas oo muddo ku sugnaa xaalado adag .
Soo celinta muwaadiniintaasi waxaa si wadajir ah uga shaqeeyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya iyo Hay’adda Qaxootiga Adduunka (IOM).
Laba koox oo ka kooban 14 qof ayaa si nabad ah maanta dalka loogu soo celiyay . Kooxda koowaad ayaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halka kooxda labaad ay si toos ah ugu degeen magaalada Hargeysa ee Somaliland.
Agaasimaha Waaxda Jaaliyadda iyo Qurba Joogta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Maxamed Xuseen Gaas, ayaa warbaahinta u sheegay in soo celinta muwaadiniintan ay qeyb ka tahay howlo joogto ah oo dowladda u waddo muwaadiniinta ku dhibaateysan dibadda.
“Muwaadiniintaan maanta lasoo celiyay waxay yihiin dad Soomaaliyeed oo ku dhibaateysnaa dalka Suudaan. Isku darkoodu waa 14, waxaana 7 kusoo dhoweeynay Muqdisho, 7 kalana waxay gaareen Hargeysa,” ayuu yiri Agaasime Maxamed Xuseen Gaas.
Sidoo kale, Agaasimaha ayaa xusay in dowladda ay sii wadi doonto dadaallada lagu badbaadinayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran ama ku xiran waddamada kale.
3-dii Luulyo ayay ahayd markii, dowladda Soomaaliya ay dalka dib ugu soo celisay 14 muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xayirnaa dalka Algeria.