Thursday, June 5, 2025

In Ka Badan 21,000 Oo Qof oo Ku Barakacay Roobabka Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya — Roobab sababay daadad ba’an ayaa barakaciyey in ka badan 21,000 qof meelo kala duwan oo Soomaaliya ka tirsan, kuwaas oo ay ku jiraan Hirshabeelle, Jubbaland, Koonfur Galbeed, iyo Gobolka Banaadir.

Daadadkan ayaa burburiyey guryo iyo beero, isla markaana kordhiyey halista cudurrada biyo ku faafa, iyagoo sii xumeeyey xaaladda bani’aadamnimo ee cakiran, sida ay shaaciyeen Xafiiska Isku-duwidda Arrimaha Bani’aadamnimo ee Qaramada Midoobay (OCHA).

Warbixinta maanta ay soo saartay OCHA  ayaa sheegtay in xaaladahan ay ka dhasheen roobab xoogan oo billowday bartamihii bishii Abriil ee dhamaatay.

“Laga bilaabo 15 Abriil, daadad degdeg ah oo ka dhashay roobab culus ayaa saameeyay kumanaan qof oo ku nool Soomaaliya, gaar ahaan gobollada Koonfur Galbeed, Jubbaland, Hirshabeelle, iyo gobolka Banaadir,” ayaa lagu yiri warbixinta OCHA.

Degmada Jowhar ee Hirshabeelle, oo maro wabiga Shabelle, ayaa daadadku ku fatahay, taasoo keentay in qiyaastii 6,000 oo qof ay ka barakacaan guryahooda, isla markaana beerihii shan tuulo oo hoos yimaada degmadaas ay burbureen.

Gobolka Mudug ayaa sidoo kale roobabkii iyo daadadku saameeyeen ku dhawaad 10,000 oo barakacayaal ah oo ku sugan xerooyin ku meel gaar ah oo ku yaal Gaalkacyo.

Sidoo kale, degmada Baardheere ee Jubbaland, ayeey asheegtay OCHA  in daadadku ay burburiyeen hoygii dhammaan 54-ka xero barakacayaal ah, halka degmada Buurdhuubo ay saameysay in ka badan 3,700 oo qoys oo ku jira xerooyin ku meel gaar ah.

OCHA ayaa sheegtay in daadadku ay sii xoojiyeen dhibaatooyinka bulshooyinka horay u la daalaa-dhacay abaarta, colaadaha, iyo macluul baahsan.

Xafiiska ayaa sidoo kale ka digay halista sii kordheysa ee cudurrada biyaha ku faafa sida shuban biyoodka iyo kolera, kuwaasoo ka dhashay daadadka iyo xaaladaha nadaafadeed ee liita.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here