Dhahar (Dawan) – Dagaal u dhexeeyey ciidamada amniga Puntland iyo kooxo la sheegay inay taageero ka helayaan SSC-Khaatumo.
ayaa galabta ka qarxay degmada Dhahar ee waqooyiga-bari Soomaaliya,
Inkastoo tirada rasmiga ah ee khasaaraha aan weli si rasmi ah loo shaacin, haddana dadka deegaanka ayaa noo xaqiijiyey in 11 qof ay ku dhinteen dagaalka, in ka badan 18 qofna ay ku dhaawacmeen.
Dadka deegaanka ayaa sidoo kale noo sheegay in dagaalku uu u dhexeeyo ciidamo ka tirsan mid kamida beelaha dega Dhahar,kuwaas oo u kala jabay kooxo taageersan Puntland iyo kuwo taageersan SSC-Khaatumo.
Dowlad-goboleedka Puntland ayaa si cad ugu eedeysay xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inay soo abaabushay oo dirsatay maleeshiyaad hubeysan si ay colaad uga huriso degmada Dhahar ee gobolka Haylaan — oo ah deegaan muddo dheer nabad ahaa kuna yaal waqooyiga-bari Soomaaliya.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Puntland, Dowladda Federaalka ayaa si toos ah mas’uul uga ah kicinta colaadda iyo abuurista xasillooni-darro, iyadoo taageero siineysa kooxo hubeysan .
“Falkan khatarta ah ee ay fuliyeen maleeshiyaad ay Dowladda Federaalka abaabushay wuxuu sababay khasaare naf iyo maalba leh, wuxuuna halis gelinayaa nabadda adag ee Puntland ay ku naaloonaysay,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Dowladda Federaalka iyo SSC-Khaatumo weli kama aysan hadlin dhacdadan.
Dhahar waxa ay ka mid tahay degmooyinka ay Puntland sheegato in ay ka tirsan yihiin, kuna yaal gobolka Sanaag, inkastoo Puntland u aqoonsatay in ay ka tirsan tahay gobol cusub oo ay u bixisay “Haylaan”.
Dagaalkan cusub ayaa imanaya iyadoo degmada Dhahar ay ku taallaa meel xasaasi ah, halkaasoo ay ka socdaan dooddo qabiilka dega ah oo la xiriira in degmadaasi ay ka mid noqoto SSC-Khaatumo ama ay sii ahaanayso qayb ka mid ah Puntland. Iskahorimaadkan cusub ayaa muujinaya in xaaladda gobolka ay kasii dari karto, taas oo sii hurin karta khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka, iyo dadaalka SSC-Khaatumo ay ugu jirto inay noqoto Dowlad-goboleed rasmi ah.