Thursday, July 17, 2025
Array

Dagaalka dhahar, maxaa kale oo barbar socda?

Magaaladda Dhahar ee gobolka Sanaag oo dastuurka Puntland ugu qoran in ay ka tirsantahay gobolka Haylaan, balse waxa ay dhexda ka taalaa khilaaf siyaasadeed oo maalmihii la soo dhaafay isku badalay dagaal sababay dhimashada in ka badan 10 qof iyo dhaawaca 19 kale.

Dhahar, oo dhacda gobolka Sanaad ee waqooyiga-bari Soomaaliya, waxa ay hoos timaadaa dowlad goboleedka Puntland, iyada oo xildhibaano laga soo doorto ay ka tirsan yihiin Puntland.

Dagaalka Dhahar
Dagaal ayaa ka dhacay magaalada Dhahar, kaas oo u dhexeeyay ciidamada ammaanka Puntland iyo kooxo taageersan SSC-Khaatumo, sida ay sheegeen dadka deegaanka. Dowladda dhexe iyo Puntland ayaa midba midka kale ku eedeeyay dagaalka deegaanka. Dowladda dhexe waxa ay Puntland ku eedeysay in ay howlgal milatiri ka wado Dhahar, halka Puntland ay dowladda federaalka ku eedeysay kicinta dagaalka iyo xasilooni daradda gobolka.

Eedeymaha Isdaba Jooga iyo Xiisadda Siyaasadeed
Eedeymaha isdaba jooga ah ee labada dhinac ayaa keenaya xiisad siyaasadeed oo kordhaysa. Sidoo kale, waxaa jira dhowr arrimood oo kale oo xiisad siyaasadeed ka abuuraya gobolka:

  1. Shirka Laascaanood
    Magaaladda Laascaanood 13-ka Luulyo waxaa ka furmay shirka dhameystirka dhismaha dowlad goboleedka SSC-Khaatumo. Dowladda dhexe ayaa horay ugu dhawaaqday in deegaanadaas ay qeyb ka yihiin dowlad goboleedyada dalka, ha isweydiin halki uu ku danbeeyay maqaamkii caasimadda Muqdisho.
  2. Saluuga Puntland
    Ka hor dagaalka, Sool, Sanaag, iyo Ceyn waxay kala hoos tagi jireen Puntland iyo Somaliland, balse ka dib dagaalka waxaa soo ifbaxay maamul cusub oo sameysmaya oo la yiraahdo SSC-Khaatumo, taas oo Puntland ka dhigi doonta inay ku lumin doonto deegaano badan oo ay horey uga maamuli jirtay.
  3. Caado Hore oo Puntland Lahayd
    Tani waa caado hore oo ay laheyd Puntland marka ay timaado dowlad goboleed cusub oo sameysmaya. Dib u milicso dhismaha Galmudug, Puntland ayaa xiriirkii u jartay dowladda dhexe iyadoo saluuksan qaabka ay dowladda Federaalka wax u maamuleyso. Xiligaas waxaa dalka madaxweyne ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud.
  4. Isbadalka Xisaabta Siyaasadeed
    Dowladda dhexe waxa ay heli doontaa dowlad goboleed cusub oo isla egta xisaabta ku sii dheereyn kara Puntland iyo mucaaradkaba. Hadda, dowladda federaalka waxa uusan khilaaf kala dhaxeyn 3 dowlad goboleed(Galmudug, Hirshabeele, iyo Koofur-galbeed) hadii lagu daro SSC-Khaatumo, xisaabta waxay noqon doontaa 4 iyo 2.
  5. Xal u Helidda Habka Awood Qeybsiga
    Dhaleeceynta ugu badan ee siyaasadda dowladda waxa ay tahay in habka awood qeybsiga ee 4.5 uu hal ka maqan yahay. Haddii SSC-Khaatumo la helana, waxaa halkaas ka soo bixi doona xal ku meel-gaar ah oo doodaha mucaaradka hoos u dhigi kara.

Xaaladda hadda jirta ayaa muujinaysa xiriirka Puntland iyo dowladda dhexe, iyo xiisadda siyaasadeed ee ka dhalanaysa dhismaha maamul cusub oo SSC-Khaatumo ah. Waxay noqoneysaa mid xiiso leh in la arko sida arrintani u sii socon doonto iyo saamaynta ay ku yeelan karto siyaasadda Soomaaliya ee mustaqbalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here