By Sayyid Omar
Hay’adda Laanqayrta Cas (ICRC) ayaa sheegtay in dagaallada ka socda gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose ay si weyn u saameeyeen adeegyada ay bixiyaan xarumaha caafimaad ee ay hay’addu taageerto, iyagoo xusay in isbitaallada u dhow goobaha dagaalka ay wajahaan culays xooggan oo dhinaca daaweynta ah.
Saddexdii bilood ee ugu horreysay sannadkan 2025, ICRC ayaa si degdeg ah agab caafimaad ugu gaarsiisay 20 isbitaal oo ku kala yaalla guud ahaan dalka Soomaaliya, si ay u xakameeyaan tirada sii kordheysa ee dhaawacyada ka dhashay dagaallada, sida ay sheegtay ICRC.
Isbitaalka Madina ee Muqdisho, oo ka mid ah xarumaha ay hay’addu taageerto, ayaa qaatay 203 bukaan oo dhaawacyo ka soo gaaray dagaallada Shabellooyinka – waa koror dhan 26% marka loo eego saddexdii bilood ee la soo dhaafay.
“Waxaan aragnay koror weyn oo ku yimid tirada dadka dhaawacyada hubka qaba ee loo keenayo xarumaha caafimaad ee aan taageerno. Waxaan sidoo kale helnay codsiyo degdeg ah oo uga imaanaya isbitaallo kale,” ayuu yiri Antoine Grand, Madaxa Wakiillada ICRC ee Soomaaliya. Antoine ayaa intaas ku daray, “Arrintani waa mid na walwalsiinaysa, maadaama ay halis ugu jiraan nolosha rayidka. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada dagaalka inay ixtiraamaan waajibaadkooda hoos yimaada sharciga bini’aadantinimada caalamiga ah.”
ICRC ayaa sidoo kale sheegtay in xaaladda cakiran ee dalka ay ka sii darayso abaar ba’an iyo hoos u dhac ku yimid taageerada dhaqaale ee gargaarka, taas oo khatar gelinaysa nolosha malaayiin qof oo Soomaaliyeed.
Hay’adda Laanqeyrta Cas ayaa ugu dambeyn ku baaqday in dhammaan dhinacyada dagaalka ay ilaaliyaan dadka rayidka ah, ayna fursad siiyaan shaqaalaha caafimaadka iyo bini’aadantinimada in ay si ammaan ah ku gaaraan dadka u baahan gargaar degdeg ah.