Saturday, July 19, 2025

Ciidanka Danab oo beegsaday Horjoogayaal Sare oo Al-Shabaab ah

Soohoyde

Jubada Hoose(Dawan) – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada gaarka ah ee Danab, ayaa howlgal ka fuliyay deegaanka Harboole ee gobolka Jubada Hoose, kaas oo ay sheegeen in  lagu beegsaday horjoogayaal iyo xubno sare oo ka tirsan Al-Shabaab.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya 18 July 2025, howlgalka ayaa lagu dilay xubno Al-Shabaab ah oo muddo dheer ay ciidamada ammaanku baadi-goobayeen, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen falal amni darro oo ka dhacay gudaha Soomaaliya iyo dalalka deriska la ah.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay in ciidamada Danab ay intii uu socday howlgalka gacanta ku dhigeen hub iyo saanad milatari oo ay lahaayeen kooxda Al-Shabaab.

“Intii uu hawlgalka socday, ciidanku waxay gacanta ku dhigeen hub yo saanad ay kooda Khawaaritu u adeegsan jirtay dhibaateynta shacaba Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka Wasaaradda.

Si kastaba ha ahaatee, Wasaaradda Gaashaandhigga ayaan shaacin magacyada xubnaha la dilay, balse waxay xaqiijisay in howlgalka uu qayb ka yahay dadaallada lagula dagaallamayo Al-Shabaabayna ggdaal kasoo sheeegi doonto xogta rasmiga ah.

Howlgalka Harboole ayaa qeyb ka ah qorshaha guud ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay ka waddo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya gaar ahaan deegaanada ay Al-Shabaab weli ku suganyihiin.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here