Sunday, May 25, 2025

Danjiraha Cusub ee UK oo Soo Gaaray Muqdisho si uu Xilka Ula Wareego

Abubakar Osman

MUQDISHO – 19 May 2025 – Danjiraha cusub ee Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Charles King, ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, isaga oo si rasmi ah u bilaabaya xilkiisa diblomaasiyadeed.

Danjire Charles King ayaa hogaamin doona Safaaradda UK ee Muqdisho, isaga oo diiradda saari doona xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Boqortooyada Ingiriiska iyo Soomaaliya. Iskaashigan ayaa si gaar ah u taaban doona arrimaha maamul wanaagga, horumarinta, amniga, iyo gurmadka bani’aadannimo.

Isagoo ka hadlayay imaanshihiisa Muqdisho, Danjire King ayaa sheegay in ay sharaf weyn u tahay matalaadda Boqortooyada Ingiriiska, wuxuuna ballanqaaday inuu si dhow ula shaqeyn doono madaxda dowladda Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Waa sharaf weyn inaan noqdo Danjiraha UK ee Soomaaliya. Waxaan rajeynayaa inaan si dhow ula shaqeeyo saaxiibadayda Soomaaliyeed si aan uga wada shaqeyno nabad, horumar iyo xasillooni waarta,” ayuu yiri Danjire Charles King.

Danjiraha cusub ayaa la filayaa inuu la kulmo madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo daneeyeyaasha gudaha iyo kuwa caalamiga ah, si loo sii xoojiyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here