Monday, August 18, 2025

Muwaadin loo dilay Diidmada Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha

Muqdisho (Dawan ) – Dirawal ka mid ahaa darawalada gaadiidka dadweynaha oo 26 jir ahaa, laguna magacaabi jiray Xuseen Yuusuf Beereed, ayaa waxaa toogasho ku dilay mid ka mid ah masuuliyiinta degmada Gubadley sida ay sheegeen qoyska Marxuumka.

Sida ay sheegeen qoyska Xuseen dilkaan ayaa ka  dhacay ka dib markii uu diiday inuu u hoggaansamo amar lagu soo rogay ee diiwaangelinta codbixiyayaasha dadweynaha  Isniintii.

Dilku wuxuu ka dhacay markii Xasan, oo ka shaqeynayay gaadiidka nooca “Land Cruiser” oo loo yaqaan “Leyla Alawi” – oo inta badan dadka ka qaada Muqdisho iyo gobollada dhexe – lagu amray inuu raaco rakaab kasoo baxay Dhuusamareeb, isla markaana u kaxeeyo xarunta degmada si loogu sameeyo diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Sida ay sheegeen eheladdiisa, Xuseen waxaa lagu toogtay bastoolad, waxaana toogtay C/llaahi Maxamuud Cadow oo loo yaqaanay “Aadan Yabaal” oo ahaa madaxa qeybta afaraad ee xaafadda Dalsan ee degmada Gubadley iyadoo tuhmanaha weli uu xor yahay oo aan la qaban.

“Xasan wuxuu ahaa aabbe ka shaqeynayay sidii uu u taageeri lahaa afarta caruurtiisa. Marnaba wax xun ma sameynin,” ayaa yiri Cabdifitaah Yuusuf Beereed, walaalka marxuumka, oo la hadlay Dawan. “Jirkiisa waxa uu ku jiraa isbitaalka Booliska, halka dilaha uu xor yahay. Waxaan ka codsaneynaa cadaaladda dowladda.”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, oo si weyn u dhaliila maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dilkan ku xaqiijiyay khudbad uu ka jeediyay goob fagaare ah oo lagu xusayay maalmaha xoriyadda. Isagoo aan faahfaahin ka bixin arrintan, ayuu yiri: “Doorasho hal qof iyo hal cod ah laguma gaari karo diiwaangelin khasab ah,” isagoo ka digay in dhaqamadan oo kale ay khatar ku yihiin horumarka dimoqraadiyadeed ee Soomaaliya.

Labo bilood oo lasoo dhaafay mas’uuliyiin Gobolka  Banadir ayaa lagu eedeenayey inay isticmaaleen booliska si ay dadweynaha ugu qasbaan diiwaangelinta codbixiyeyaasha, In kasta oo dowladda federaalka  ay beenisay marara badan arrintaas.

Dhacdadan ayaa sii xoojisay walaaca ay bulshadu ka qabto caburinta codbixiyayaasha iyo hufnaanta doorashada.




Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here