Thursday, June 19, 2025

DDS iyo Bangiga Adduunka oo dardargalinayo Iskaashiga Horumarinta Beeraha

Jigjiga (Dawan) – Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS), Mustafe Maxamed Cumar, ayaa 18-kii Juun 2025 kulan muhiim ah la yeeshay wafdi ka socday Hay’adda Iskaashiga Caalamiga ah ee Maaliyadda (IFC), oo ka tirsan Bangiga Adduunka.

Kulanka, oo ka dhacay magaalada Jigjiga, waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray fursadaha maalgashi ee la xiriira beeraha, xoolaha, iyo warshadaha, iyada oo looga gol lahaa xoojinta dhaqaalaha waara iyo kor u qaadista fursadaha shaqo ee deegaanka.

Wafdiga IFC waxaa hogaaminaysay Jumoke Jagun-Dokunmu, Madaxa Maalgelinta iyo Agaasimaha Gobolka ee Ka Hortagga Nuglaanshaha, Khataraha, iyo Jawaabta Musiibada ee IFC. Kulankan ayaa sidoo kale si gaar ah uga hadlay horumarinta Mashruuca Beeraha Malkaadiida ee ka socda degmada Doolo-Ado ee gobolka Soomaalida Itoobiya, mashruuc uu maalgelinayo IFC, kaas oo ah mid muhiim u ah dadka deegaanka iyo qaxootiga ku nool degmada.

Mashruuca Beeraha Malkaadiida wuxuu abuurayaa fursado badan oo shaqo iyo horumarin ah oo dadka deegaanka iyo qaxootiga ah ku nool degmada Doolo-Ado. Mashruucu wuxuu xoogga saaraya horumarinta beeraha iyadoo la adeegsanayo tignoolajiyada casriga ah iyo habab waara oo beerashada ah kaas oo ay ku baxayso $13 milyan.

Ujeedada mashruuca ayaa ah in la taageero 1,000 hektar oo dhul waraabin ah, isagoo xooga saaraya ammaanka cuntada ee suuqa 400,000 oo qof ah, oo 40% ka mid ay yihiin qaxooti.

Mashruucu wuxuu ku shaqeyn doonaa iyadoo la raacayo heerarka waxqabadka IFC ee Horumarinta Deegaanka iyo Bulshada, iyadoo la tixgelinayo khataraha deegaanka iyo bulshada. Mashruuca, oo socon doona muddo saddex sano ah (2024–2027).

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here