Jigjiga (Dawan) – Golaha xildhibaanada Dawlad Deegaanka Soomaalida (DDS) ayaa Isniintii, 28-ka Luulyo 2025, ansixiyay miisaaniyad dhan 65.7 bilyan oo birr Itoobiya ah (qiyaastii $1.15 bilyan USD) ee sanadka miisaaniyadeed ee Itoobiya 2018 T.I. (2025/2026), taasoo muujinaysa koror weyn oo gaaraya 62% marka loo barbardhigo miisaaniyaddii sanadkii hore.
Miisaaniyadda waxaa golaha horgeeyay Xafiiska Maaliyadda DDS, kaas oo si faahfaahsan u sharxay meelaha mudnaanta la siiyay, oo ay kamid yihiin xoojinta maamulka, kor u qaadista adeegyada bulshada, iyo dardargelinta horumarka deegaanka. Xafiisku wuxuu xaqiijiyay in maalgelinta miisaaniyaddan laga heli doono:
• 50% laga helayo dakhliga gudaha ee deegaanka, oo ay ku jiraan canshuuraha iyo ilo kale oo maaliyadeed
• 50% laga helayo Dowladda dhexe iyo deeqaha caalamiga ah
Qaybinta Miisaaniyadda:
• 36.9 bilyan birr (~$645 milyan USD) loogu talagalay xafiisyada heer deegaan
• 1.4 bilyan birr (~$24.5 milyan USD) loogu talagalay mashaariicda la xiriira Yoolasha Horumarka Waara (SDGs)
• 27.4 bilyan birr (~$480 milyan USD) loogu qoondeeyay degmooyinka, maamul magaalooyinka, iyo dawladaha hoose
Miisaaniyadda ayaa lagu meel mariyay kadib doodo dheer, su’aalo, iyo talooyin la xiriira qorshaha. Sidoo kale, goluhu wuxuu ansixiyay miisaaniyaddii dheeraadka ahayd ee la isticmaalay bilihii ugu dambeeyay ee sannadkii dhaafay.
Madaxweynaha DDS, Mustafe Maxamed Cumar, ayaa ku sheegay bartiisa x:
“Miisaaniyad sanadkan mudnaan gaar ah waxaa la siiyay tayeynta waxbarashada iyo xoojinta waaxda garsoorka.”
Mas’uuliyiintu DDS waxay sheegeen in kororka miisaaniyaddu uu qayb ka yahay istaraatiijiyadda deegaanka ee lagu horumarinayo kaabeyaasha, lagu ballaarinayo adeegyada hoose, isla markaana lagu taageerayo dadaallada lagula dagaallamayo saboolnimada iyo kor u qaadista horumarka bulshada.