Jigjiga (Dawan ) – Dawlad Deegaanka Soomaalida (DDS) ayaa shaacisay daahfurka mashruuc cusub oo lagu horumarinayo helitaanka biyaha, kaasoo lagu qodayo 20 ceel riig ah iyo dhisidda nidaamkooda biyo-gelin. Mashruucan ayaa lagu qiyaasay inuu ku kacayo ku dhawaad 1 Bilyan oo Birr (qiyaastii 17 Milyan oo Doollar Mareykan ah), sida ay ku warrantay warbaahinta rasmiga ah ee deegaanka.
Munaasabadda daahfurka mashruuca oo manata ka dhacday Madaxtooyada DDS ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha DDS, Mustafe Muxummed Cumar, iyo wakiillo ka socday hay’adaha maalgelinaya mashruuca — Sanduuqa Maalgelinta Maalgashiga Carruurta ee Adduunka (CIFF) (CIFF) iyo Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP), iyadoo uu mashruucu uu hoos imanayo Xafiiska Biyaha DDS.
Mashruucan ayaa qeyb ka ah hindisaha IGAD ee lagu magacaabo Groundwater Access Facility for Africa (GAFA), oo looga golleeyahay in lagu xoojiyo helitaanka biyo nadiif ah oo la isku halleyn karo, gaar ahaan deegaanada ay abaaruhu saameeyeen.
Sida ay warbaahinta deegaanka sheegtay, mashruucan waxa uu diiradda saarayaa horumarinta nolosha bulshada xoolo-dhaqatada ah iyo kuwa ku nool meelaha ay dhibaatada biyo la’aantu ka jirto. Waxaa sidoo kale lagu sheegay in heshiiska mashruuca lagu kala saxiixday madasha daahfurka, isla markaana uu noqonayo tallaabo muhiim ah oo muujinaysa iskaashi joogto ah oo u dhexeeya DDS iyo hay’adaha caalamiga ah.