Saturday, May 31, 2025

DDS oo dib u dejin u sameeyey xoolo-dhaqatada Godeey.

Goday, Itoobiya – Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) Ibraahim Cusmaan Faarax iyo Wasiirka Wasaaradda Waraabka iyo Dhulka Joogiisu Hooseeyo ee Dowladda Federaalka Itoobiya,  Abrahaam Belay, ayaa si rasmi ah xariga uga jaray tuulo casri ah oo loogu talagalay dib-u-dajinta bulshada xoolo-dhaqatada ah ee magaalada Goday.

Tuuladan oo si gaar ah loogu talagalay bulshada danyarta ah ee reer guuraaga ah ayaa ujeeddadeedu tahay in kor loogu qaado noloshooda loona suurtageliyo helitaanka adeegyada aasaasiga ah sida biyo nadiif ah, adeeg caafimaad, waxbarasho iyo hoy rasmi ah.

Madaxweyne ku-xigeenka DDS, Ibraahim Cusmaan Faarax, ayaa xusay in mashruucani uu ka mid yahay ballanqaadyadii hore ee xukuumaddu ay la gashay shacabka, isagoo yiri:

“Xukuumaddeennu barnaamijyadii ay qaaday iyo xisbigeenuba waa in bulshadu, gaar ahaan danyartu, baahiyahooda laga jawaabo mar kasta.”

Dhammaan qoysaska ka faa’iidaystay guryaha ayaa si diirran u soo dhaweeyey mashruuca, iyagoo sheegay in ay heleen hanti rasmi ah oo wax weyn ka beddelay noloshooda. Waxay sidoo kale uga mahadceliyeen xukuumadda dedaalka ay ku bixisay sidii ay guryo rasmi ah ugu heli lahaayeen.

Mashruucan ayeey DDS sheegtay in uu qeyb ka yahay dadaallada ballaaran ee lagu horumarinayo deegaanka loogana jawaabayo baahiyaha bulshada danyarta ah, si loo gaaro horumar waara oo loo siman yahay

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here