Jigjiga (Dawan) – Dawlad Deegaanka Soomaalida (DDS) ayaa Arbacadii ku dhawaaqday qorshe ay ku doonayso in ay sanad-dugsiyeedka cusub ee Itoobiya 2018 ku diiwaan geliso 1.4 milyan oo arday oo geerarka kala duwan ah, iyadoo diiradda la saareyso sidii dib loogu soo celin lahaa ardayda aan helin dugsiyada.
Arrintan waxaa ku dhawaaqay Wasiir ku xigeenka Xafiiska Waxbarashada DDS, Guuleed Axmed, intii lagu guda jiray kulan isugu yimid kooxaha abaabulka bulshada ee loo dirayo gobollada iyo degmooyinka DDS si ay uga shaqeeyaan diyaarinta iyo wacyigelinta bulshada.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii taageero farsamo iyo qorsheyn looga siin lahaa kooxahan shaqada u gelaya in ay bulshada ku baraarujiyaan muhiimadda waxbarashada, gaar ahaan carruurta aan weli waxbarasho helin, dadka baahiyaha gaarka ah qaba, iyo dadka waaweyn ee doonaya inay wax bartaan.
“Guud ahaan sanadkan waxaan qorsheynay in 1.4 milyan oo arday la diiwaan geliyo, laga bilaabo barbaarinta ilaa dugsiga sare,” ayuu yiri Guuleed Axmed. “Waxaan ku dhiirrigelinaynaa waalidiinta iyo bulshada in ay si buuxda uga qayb qaataan.”
wasiir ku xigeenka ayaa waalidiinta ugu baaqay inay ilmahooda si dhaqso ah ugu diiwaan geliyaan ka hor inta uusan xirmin waqtiga diiwaangelinta, isagoo ku adkeeyay bulshada iyo waalidiintaba ay arrintaas ka qeeb qaataan.