Wednesday, April 2, 2025

Dowlad Deegaanka Soomaalida oo Guulo Wax Ku Ool ah Ka Gaartay Adeegyada Caafimaadka

Abukar Osman

Jigjiga, Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS)

Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa sheegtay horumar wax ku ool ah oo laga gaaray waaxda caafimaadka tan iyo intii xilka uu la wareegay Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar. Wasiirka Xafiiska Caafimaadka Deegaanka, Muuse Axmed, ayaa ku dhawaaqay in in ka badan 20 cusbitaal cusub laga dhisay guud ahaan deegaanada, iyadoo qaar kalena dib-u-habeyn iyo ballaarin lagu sameeyay.

Wasiirka oo ka hadlayay kulan ballaaran oo ka dhacay madasha Xafiiska Caafimaadka ee magaalada Jigjiga, ayaa xusay in isbeddelka siyaasadeed uu horseeday horumar muuqda oo la taaban karo. Kulankaas ayaa waxa kasoo qaybgalay mas’uuliyiin iyo shaqaale ka kala socday qaybaha kala duwan ee xafiiska, iyadoo si qoto dheer looga hadlay horumarka la gaaray iyo caqabadaha jira.

Intii uu socday kulanka, waxaa si faahfaahsan loo soo bandhigay isbarbardhigga heerka adeegyada caafimaad ee ka horreeyay isbeddelka iyo halka ay maanta marayaan. Waxaa sidoo kale lagu falanqeeyay qorshayaasha mustaqbalka, oo ay ka mid yihiin:

  • Dardargelinta adeegyada caafimaad
  • Tayeynta adeegyada bukaanka
  • Ballaarinta xarumaha caafimaad ee rajo-gelinta leh

Wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqay sida ay uga go’an tahay in bulshada deegaanka la siiyo adeeg caafimaad oo tayo leh, casri ah, islamarkaana qof kasta uu heli karo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here