Jigjiga (Dawan) – Hogaanka Amniga Dowlad Deegaanka Soomaalida, Cabduqaadir Rashiid, ayaa mamnuucay shirarka qabaa’ilka ee abaabulada siyaasadeed, isagoo sheegay in falalkaas ay khatar ku yihiin xasilloonida deegaanka.
Isagoo shir jaraa’id ku qabtay Jigjiga ayuu Cabduqaadir sheegay in kulamada lagu qabanayo magaca qabiilka ama bayaannada beelaha lagu soo saaro ay kordhin karaan xiisadda, isla markaana ay carqaladeynayaan nabadda deegaanka. Wuxuu ku tilmaamay dhaqan “aan Soomaali hore ugu jirin” oo hadda loo adeegsado kicin iyo abaabul, isaga oo sheegay in aysan jirin wax shir ah qabiil oo siyaasadeysan aan lagu qaban Karin Dowlad Deegaanka.
“Waxaa mamnuuc ah shir reer hebel ay abaabul ku sameynayaan. Lamana ogolaanayo isku dayada noocaas ah ee lagu abuurayo sawaxanka iyo qalalaasaha inay sii socdaan lama ogolo waana mamnuuc arrintaas.” ayuu yiri Cabduqaadir Rashiid.
Wuxuu bulshada ugu baaqay in ay ka fogaadaan abaabulada noocaas ah, isagoo xusay in inta badan ay wadaan shakhsiyaad dano gaar ah leh, balse aysan matalin danaha guud ee shacabka. Cabduqaadir Rashiid ayaa sheegay in dowladdu masuuliyad ka saaran tahay ilaalinta amniga, ayna tallaabo ka qaadi doonto cid kasta oo isku dayda inay bulshada isku dirto ama nidaamka carqaladayso.
Isagoo xusuusiyay dhaawacyadii hore ee colaadaha, gaar ahaan xabaalaha wadareed ee bulshada xusuusta ku reebay, ayuu ku booriyay shacabka Deegaanka in ay diiradda saaraan nabadda iyo horumarka, halkii ay ku kadsoomi lahaayeen abaabul siyaasadeed oo fowdo horseeda.
Mas’uuliyiinta ayaa carrabka ku adkeeyay in xorriyadda hadalka iyo fikirka ay dammaanad qaaday dowladdu, balse ficil kasta oo amni darro abuuraya lala xisaabtami doono.