Sunday, August 24, 2025

DDS oo laga fuliyey qalliinnadii ugu horreeyay ee kala-goysyada

Jigjiga (Dawan) – Warbaahinta dowlad-deegaanka Soomaalida (SRTV) ayaa Jimcihii ku warantay in markii ugu horreysay deegaanka lagu guuleystay qalliimo horumarsan oo lagu sameeyay kala-goysyada, iyadoo lagu guuleystay beddelidda jilbaha, miskaha (lafaha bowdada), iyo seedaha.

Sida lagu sheegay warbixinta SRTV, qalliinnadan waxaa lagu qabtay Cisbitaalka Takhasusiga ah ee Sheekh Xasan Yabri ee magaalada Jigjiga, waxaana fuliyay koox dhakhaatiir isugu jira kuwo deegaanka iyo caalami ah, oo ay taageertay Hay’adda Iskaashiga iyo Horumarinta Turkiga (TİKA). In ka badan 30 bukaan ayaa la sheegay inay ka faa’iideen olole caafimaad oo socday todobaad dhan.

Warbaahinta dowlad deeganaka waxay xustay in qalliinnadan oo kale ay yihiin kuwo kharash badan uu ku boxo oo inta badan lagu sameeyo caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa ama dibadda, balse markii ugu horreysay dadka DDS ayaa adeeggan ku helay bilaash.

Madaxweynaha DDS, Mustafa Maxamed Cumar, oo booqday cisbitaalka, ayaa u mahadceliyay kooxda dhakhaatiirta:

“Tallaabadani waxay xoojinaysaa walaaltinimada iyo jacaylka ka dhexeeya Itoobiya iyo Turkiga, gaar ahaan deegaanka Soomaalida. Ilaahay ha idinka abaalmariyo adeeggan bini’aadantinimo ee lacag la’aanta ah ee aad bulshada u qabateen.”

Cisbitaalka Sheekh Xasan Yabri horey u martigeliyay kooxo caafimaad oo caalami ah kuwaas oo sameeyay qalliimo casri ah, taas oo yaraysay culayska dadka deegaanka uga safri lahaa dibadda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here