Wednesday, March 19, 2025

DFS oo xaqiijisay in qarax lala beegsaday kolonyada madaxweynaha

By Sayyid Omar

Dowladda Soomaaliya ayaa war rasmi ah ka soo saartay qarax shalay Muqdisho ka dhacay, ayadoo sheegtay in lala beegsaday kolonyada Madaxweyne Xasan Sheekh oo u socday furimaha dagaalka. Qaraxa ayaa ka dhacay degmada Xamarjajab, gaar ahaan isgoyska Ceelgaabta.

“Abaare 10:32 AM ayaa qarax lala beegsaday kolonyo maraysay degmada Xamar-jajab ee magaalada Muqdisho, xilli Madaxweynaha JFS uu ku sii jeeday furimaha hore ee dagaalka ee Hirshabeelle, weerarkaasi waa la fashiliyey, waxaana Madaxweynaha uu si nabad ah ku gaaray goobtii uu u socday sidii loo qorsheeyey,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya

Dowladda ayaa gebi ahaan diiday in warbaahinta tebiso khasaarihii ka dhashay qaraxa, weriyaal goobta yimid ayaa la xiray, ilaa haddana ma jirto cid shaacisay xogta rasmiga ah ee khasaaraha uu geystay qaraxaasi iyo nooca uu ahaa inta ba.

Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka qaraxa oo lagula beegsaday kolonyada la socotay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Daqiiqado ka dib qaraxa, La-taliyaha Amniga Qaranka, Xuseen Macalin, ayaa bartiisa X (Twitter) ku qoray in madaxweynaha uu badqabo isla markaana uu ku guda jiro safarro uu ugu kuurgalayo howlagallada dagaal ee ka socda furimaha dagaalka. Qaraxan ayaa ah kii ugu horreeyay ee si toos ah loola beegsado madaxweyne Xasan Sheekh tan iyo 2014-kii, muddo xileedkiisii hore, markaas oo ay kooxda Alshabaab qarax la beegsadeen hotel uu ku sugnaa madaxweynaha.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here