Jigjiga(Dawan) – Dhalinyarada Magaalada Jigjiga ayaa Jimcihii bilaawday hirgelinta barnaamijka Tabarucaadda bilaha xagaaga, kaas oo ay hoggaaminayaan dhalinyarada deegaanka, si ay ugu fuliyaan howlo iskaa wax u qabso ah oo lagu horumarinayo bulshada iyo deegaanka.
Sanadkan, Dugsiga Sare ee Kaah ee magaalada Jigjiga ayaa nasiib u yeeshay in uu martigeliyo barnaamijka, iyadoo halkaas ay dhalinyaradu ka sameeyeen hawlo kala duwan sida: dhir-beeris, dhiig shubis, nadiifin deegaanka ah, iyo caawinta dadka danyarta ah.
Barnaamijka ayaa waxaa si weyn uga qayb galay masuuliyiin ka tirsan heer deegaan iyo maamulka magaalada Jigjiga, kuwaas oo sheegay in ujeedka ugu weyn ee tabarucaadkani yahay in dhalinyaradu ay ka qayb qaataan horumarinta bulshadooda, isla markaana ay ka dhaxlaan dhaqan is-xilqaamid iyo wacyi bulsho.
Wasiirka Ilaalinta Deegaanka iyo Maamulka Dhulka Miyiga ah ee Dowlad Deegaanka Soomaalida(DDS), Muxuyidiin Cabdi, oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka hadlay furitaanka barnaamijka, ayaa xusay muhiimadda uu leeyahay qorshahani.
“Waxaan maanta qabanay dhir-beeris, sidoo kale dhiig shubisna waa la sameeyay. Waxaan rajaynayaa in howshaan aysan ku ekaan heer deegaan oo kaliya, balse ay gaarto heer gobol iyo ka sii ballaaran,” ayuu yiri wasiirka.
Barnaamijka Tabarucaadda bilaha xagaaga ayaa ah qorshe sannadle ah oo la qabto bilaha July iyo August, ayaa si rasmi ah uu u daahfuray madaxweynaha DDS 5 July, waxaana si firfircoon uga qeyb qaata dhalinyarada ku nool Dowlad Deegaanka Soomaalida, iyagoo fuliya hawlo kala duwan oo bulshada iyo deegaanka wax taraya.
Dhalinyaradii ka qayb qaadatay sanadkan waxay sidoo kale socdaallo tabarucaad ah ku tageen qaybo ka mid ah deegaanka, taasoo sare u qaaddi karta wacyiga bulshada iyo dareenka is-kaashi ee dhallinyarada.