Muqdisho (Dawan) – Bukaan Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cusmaan Maxamed ayaa si guul leh u maray qalliin halis ah oo looga saaray burada qoorta ku taal ka dib markii uu la noolaa muddo toddoba sano ah. Qalliinka oo lagu sameeyay Muqdisho wuxuu calaamad u yahay horumarka weyn ee dhinaca caafimaadka Soomaaliya gaartay.
cusmaan Maxamed ayaa u dhibtoonayay burada weyn oo ku taalay qoortiisa, taas oo ka carqaladeeysay neefsashada iyo cunista.
Sanado badan, wuxuu la tashaday dhakhaatiir kala duwan, kuwaas oo dhammaantood ka digay in qalliin la sameeyo sababo la xiriira goobta khatarta ah ee burada ku taal oo u dhow xubno muhiim ah, iyaga oo u arkaayey in qalliinku uu noqonayo mid halis ah.
Shakiga dheer ee ka dhashay xaaladda caafimaad ee Cusmaan oo qoyskiisa ku keentay walwal weyn, iyadoo ay ka cabsi qabeen caafimaadkiisa oo sii xumaanaya.
Si kastaba ha ahaatee isbeddel ayaa yimid markii Cusmaan loo soo jeediyay Dr. Shaafi oo ah dhaqtarka Soomaaliyeed oo khibrad u leh qalliinada halista ah.
Dr. Shaafi ayaa sameeyay qiimeyn dhammeystiran iyadoo la isticmaalayo qalabyo caafimaad oo casri ah, wuxuuna go’aansaday in, iyadoo si taxaddar leh loo qorsheeynayo, qalliinku si ammaan ah loo fuliyo.
Qalliinku waxaa lagu sameeyay 15-ka Luulyo ee sanadkan si guul leh, waxaana burada la saaray iyada oo aan wax dhibaato ah ka imaan. Cusmaan wuxuu haatan ku jiraa xaalad soo kabasho ah , wuxuuna dib u helay awooddiisii neefsashada iyo cunista si caadi ah.
Dr. Shaafi ayaa sheegay qalliinka kadib: “Kiiskan wuxuu muujinayaa horumarka aan ka sameynay nidaamka caafimaadka ee Soomaaliya. Markii aan helnay khibradda iyo qalabka saxda ah, waxaan hadda awood u leenahay in aan sameyno qalliinno ku adag gudaha dalka, kuwaas oo horay loo gudbin jiray dalalka dibadda.”
Guushan ayaa loo arkaa horumar wanaagsan oo ku saabsan nidaamka caafimaadka Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca qalliinada gaarka ah. Khubaradu waxay aaminsan yihiin in tani ay kordhin karto kalsoonida adeegyada caafimaadka ee dalka, waxayna dhiirigelin doontaa maal-gashi dheeri ah oo lagu sameeyo kaabayaasha caafimaadka gudaha dalka.