Soomaaliya (Dawan TV) – Abaar ba’an iyo yaraanta dhaqaalaha loogu talagalay gargaarka ayaa si weyn u sii xoojiyay xaaladda bini’aadantinimo ee Soomaaliya, taas oo malaayiin qof ka dhigtay kuwo ay ka maqan yihiin taageeradii ay noloshoodu ku tiirsaneyd. Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, qiyaastii 2.5 milyan oo qof oo ku nool 26 degmo ayaa saameyn xoogan kala kulmaya abaarta, iyadoo 887,000 qof ay ku jiraan xaalado gaaja daran ah.
Waqooyiga Soomaaliya, laba xilli roobaad oo la waayay ayaa sababay in nolol maalmeedkii bulshada hoos u dhaco, habkii ay ku tiirsanaayeenna uu yaraado, isla markaana cunto iyo biyo yaraansho baahsan ay yimaadeen. Kaliya Somaliland gudaheeda ayaa in ka badan 650,000 qof ay ku dhibban yihiin, iyadoo gobolka Togdheer uu noqday midkaa ugu daran. Inkastoo ururrada maxalliga ah, Jamhuuriyadda Jabuuti iyo hay’ado gaar loo leeyahay ay gaarsiiyeen gargaar cunto iyo biyo, haddana baahida jirta ayaa aad uga badan inta la dabooli karo.
Dhanka kale, adeegyada caafimaad iyo nafaqo ayaa burburaya sababo la xiriira yaraanta maalgelinta. Tan iyo bilowgii 2025, dhaqaalaha oo yaraaday awgiis waxaa la xiray siddeed isbitaal, iyo 40 xarumood oo daryeelka caafimaadka hoose ah. Xiritaankaas ayaa dhaliyay in ka badan 350,000 qof ay ka maqan yihiin adeegyo asaasi ah sida talaalka, ka hortagga cudurrada, iyo daryeelka hooyada iyo dhalaanka. Sidoo kale, in ka badan 300 xarumood oo nafaqo ayaa la xiray, taas oo sababtay in 24% hoos u dhac ku yimaado carruurta laga daweyn jiray nafaqo-xumada daran. Waxaa laga digayaa in ilaa 11,000 oo carruur ah ay dawo waayaan haddii la buuxin waayo hoos u dhaca dhaqaale.
Si kastaba ha ahaatee, mashruucyo qaar ayaa rajo keenaya. Koonfur Galbeed, mashruuca Danwadaag ee GREDO (HARBS) ayaa caawinaya qoysaska barakacayaasha ah iyada oo loo marayo biyo, nadaafad iyo kobcinta nolol maalmeedka.
Sanduuqa Gargaarka Soomaaliya (SHF) ayaa $20 milyan u qoondeeyay gargaar degdeg ah afar degmo, balse qorshaha guud ee jawaabta bini’aadantinimo weli waa kaliya 16%. Haddii aan dhaqaalo cusub la helin, hay’adaha gargaarka ayaa ka digaya in Soomaaliya ay wajihi doonto gaajo daran, cudurro badan oo fida, iyo dhimasho.