Aadan Yabaal – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in howlgal qorsheysan oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka, Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka (NISA) iyo saaxiibada caalamiga ah lagu dilay 12 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta soomaaliya,howlgalka ayaa ka dhacay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan guri ay dowladda sheegtay in Al-Shabaab u isticmaali jireen xarun kaydka hubka ah iyo goob ay ka abaabulaan weerarro.
Warbixinta dowladda ayaa sidoo kale lagu xusay in xubnaha la dilay ay ku jireen horjoogayaal muddo dheer lala socday dhaqdhaqaaqyadooda.
Dowladdu waxay sidoo kale sheegtay in howlgalka lagu burburiyay gaadiid dagaal, hub iyo saanado kale oo ciidan.
“inta uu socday howlgalka waxaa sidoo kale la burburiyay gaadiid dagaal,hub farabadan iyo saanado kale oo muhiim u ahaaa cadowga” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka dowladda
Dowladda Federaalka ayaa xustay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee ay dowladda iyo saaxiibada caalamka wadaan si loo yareeyo awooda Al-Shabaab, loogana shaqeeyo sugidda amniga iyo xasilloonida dalka.
Dowladda Soomaaliya ayaa weli wada howlgallo ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab, iyadoo taageero ka helaysa beesha caalamka.