Thursday, December 26, 2024

Diyaarad Lagu Afduubtay Kismaayo oo Hakad Gelisay Duulimaadyadii

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS) ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in diyaarad ay leedahay shirkadda Halla Airlines si xoog ah looga afduubtay magaalada Kismaayo 23-ka Diseembar 2024. Diyaaradda ayaa laga saaray qalabkii isgaarsiinta, taasoo khatar weyn gelisay badbaadada rakaabka iyo nidaamka duulista rayidka.

Falkaan ayaa sababay in dhammaan duulimaadyadii u qorsheysnaa magaalada Kismaayo maanta la hakiyo, taasoo saameyn taban ku yeelatay dadweynaha halkaas safarka ku lahaa. HDRS ayaa ku tilmaantay dhacdada mid mas’uuliyad darro weyn ah oo halis ku ah nidaamka duulimaadka rayidka Soomaaliya.

Hay’adda ayaa sidoo kale sheegtay inay baaritaano degdeg ah bilaabeen si loo xaqiijiyo xaqiiqada ka dambeysa dhacdadan, iyagoo la shaqeynaya shirkadaha diyaaradaha iyo hay’adaha caalamiga ah si loo helo xal waara.

Dhanka kale, dowlad goboleedka Jubaland ayaa hakadka ku yimid duulimaadyadii maanta ku eedeysay dowladda dhexe, iyagoo sheegay in arrintaas ay ka dhalatay diyaarad ka duushay Kismaayo oo aaday Doolow. Jubaland ayaa ku tilmaantay dhacdadan inay qeyb ka tahay xaaladda siyaasadeed ee ka taagan maamulka, taasoo salka ku haysa is-mari-waaga u dhexeeya doorashooyinka iyo xiriirka maamulka Jubaland iyo dowladda dhexe.

Dhacdadani waxay sii murjisay xaaladda amni iyo siyaasadeed ee gobolka Jubaland oo maalmihii lasoo dhaafay uu ka jiray khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya labada dhinac.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here